Hargeysa:-(RT)Maamulka lamagac baxay Somaliland ayaa xayirtay socdaal u qorshaysnaa Sheekha Yar ee Mucjisada ah ee Reer Tanzania ee ku sugan Hargeysa Sh Shariif Makadiid, kaasoo uu ku tagi lahaa magaalooyinka qaar gaar ahaana magaaladda Burco, Sheekh iyo Boorame.
Ilaa iminka si rasmi ah looma oga sababta loo xayiray dhaqdhaqaaqa Sheekha oo la filayay sadex cisho ka hor inuu u baxo magaaladda Burco halkaas oo uu ku lahaa Muxaadarooyin uu doonayay inuu u jeediyo dadweyanaha Gobolkaasi sidiii uu Hargeysa meelo badan uga jeediyay.
Hase yeeshee warar xogogaal ah Oo aan helayno ayaa sheegaya in ay joogitaankiisa ay ka biyo diideen Culimada woqooyiga Oo uu ugu horeeyo shiikh Adan Siiro , kuwaasoo u arka ficilada Sheekha qaar soo noolaynaya dhaqamo Somaliland muddo hore ka suulay oo aanay haboonayn wakhtigan in lagu soo celiyo.
Dooda Culimada ee sababtay xayiraada Sheekha ayaa la sheegay inay la xidhiidho habka daweynta ee ah Tufka Casharka oo ah mid ay karaamo ahaan Culimada qaarkood adeegsadaan marka ay dadka Dabiibayaan, iyagoo u arka inay dadku siinayaan ahmiyad aad u balaadhan oo ku sifaynaysa inay siiyaan weynayn aan loo baahnayn.
Sheekh Shariif ayaa intii uu joogay Hargeysa waxa safaf dhaadheer u galay boqolaal dadweynaha reer Hargeysa ah kuwaasoo u arka inuu sito karaamo u sahlaysa in uu Tufkiisu yahay mid barakaysan oo ay ka helayaan Dawo deg deg ah. Waxaana Goobihii uu ka qudbadeeyay iyo Masaajidadaba lagu arkayay iyadoo ay dadweynuhu la yaacayaan Caagado ,Daasado,Kilaadhi iyo Weel kala gadisan oo ay hoos dhigayeen.
Dooda ka dhalatay arrintan ayaa la sheegay in ay gaadhay meel halis ah, waxaana la sheegay in Culimadaasi ninka ay wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta u yaqaaniin ku qancisay inuu dalka ka saaro Sheekhaasi,dibna aanu ugu soo noqon abid balse sida ay Ilo xogogaal ahi noo sheegeen sheegeen waxa talaabadaasi ka hor yimi Culimada Wanaag Farista iyo Xumaan reebista oo uu Sheekh Shariif ku soo dagay, kuwaas Xukuumadda kale gaadhsiiyay arrintaasi inaanay sax ahayn talaabo lagu qanci karona aanay ahayn.
Inkasta oo aanay suurtogalin in la mastaafuriyo Sheekha hadana waxa dhacday in uu istaago socdaalkiisii isla markaana laga soo raro Huteelkii ay markii hor dejiyeen maamulka Siilaanyo ee Hargeysa Club ee uu ku jiray oo la dajiyo Huteel kale oo kiro ah taasoo macneheedu yahay qayb ka mid ah cunaqabataynta food saaraha ah, halkaas oo uu wali ku sugan yahay.
Ninka Siilaanyo u qaabilsan Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogalin hase yeeshee warar kale oo aanu helnay ayaa sheegaya inay Dacwada Sheekhu gaadhay illaa Siilaanyo balse ma jiro go’aan cad oo ka soo baxay halkaasi.
Nimco caagane
nimco@realtaleex.com
Hargeysa, somalia
khawaarijtii koonfur halaagay baa ilayn hargeysana culimo loogu yeedhaa
walee soomaaliyi qulux qulux kama ilbaxdo. waa run in sheekh shariif yahay ruux ilaahay karaameeyey tabaruga saalixiinta sunanka ayuu ka buuxaa ay kilkilooyinka ku wataan .laakiin xaqii baa laga indha saabay.dhegahoodana culays baa ka buuxiyey .xataa ibnu taymiya markuu dhintay bilo ayaa la booqanayey, qabrigiisana ciida laga qaadanayey. bal adba .xerowgiisii ibnu cabdul haadi ayaa soo werinaya qisadan .anigaa haya. laba qof iskuma qabsan. waxaa ka daran munaaqibta inu jowsi ka qoray inbu taymiya. tan kale adankii qabyaalada iyo khaarijinimadu isugu biyoshubatay maxaa qaaday sowkii ictiraafka lahaa ingiriis ha laga raadiyo. anaga reer khaatumo ah noo soo wareejiya shiikha aan xarumihii daraawiishta qasri uga sameynee
ictiraaf samada laga diiday wadaadka ha ku lugayninee wax kale warsada abtiyaal
yoome
March 8, 2012 at 3:23 am
asc
wiilka yar dadka halaga qabto iyo khurafada uu la wareegayo awliyadu waa jirtaa lakin cidina ma dhihi karto weli baan ahay ee dadka yaan diinta been looga sheegin. arrintan iyo siyaasaddana hala kala saaro insh allah.wsc
maslax
March 8, 2012 at 6:23 am