San Deigo:-(RT) Cabdillahi geerida dishaye, iga gariirsiisey
Anoo guud caddaale ah ilmada, gobo’da daynaynin
ee Soomaali gebigeed ku dhacay, gibil madoobaadku
Geedkeed ha ba’o waa midaan, gaadhku qabanayne
Hadday gocorradaa layn lahayd, goob kastaba buuxa
Oo boqol gabood falay in badan, madaxa goonayso
Oo qaar gumaad shacab ku wada, gabagabayneyso
Gasab weeye baan odhan lahayn, mana gadoodneene
Hadba geesigii caana bay, iilka gelisaaye
Gashi kama baqaysiyo inay, godob xambaartaaye
Garna yeeli maysiyo tudhaal, ama garowtiine
ajal gabagabowday sugtaa, saacad gaw tidhiye
Hayeeshee ninkaan gedo yarayn, diintana u goynin
Wax kastoo Ilaah ruuxx geshoo, dunida guud joojey
Inaan geeri laga baajinayn, goorta lagu beegay
Oo aan gadaal hor loo riixahayn, waw garaad qabaye
Misna gocasho reen iyo naftaan, gununuc daynayne
Haddii ay go’aan geel jir iyo, qaar la garanaynin
Ama mawd gembiyo koox gurracan, waad ka gama’daaye
Hogaan guud hadduu kaa galbado, waa gagaab culuse
Balse guullaheenaan waqii, naga gablooleyne
Naxarista uu noo galaan, naga gulaalmayne
Isagaan gabaw iyo ku dhicin, gaajo iyo ciile
Rabbigeen siduu noo gartaba, waa go’aa wacane
Afartaa gamuuraye waxaan, gabayga raacsiiyey
Giddigeedba Soomaali baan, garasho dheerayne
Cabdillaahi goobtiyo intuu, joogey garabkeeda
Wauxuu galo wuxuu gudo, intii aan la garan weyney
Intuu guluf u taagnaa waqiis gaalo dirirteda
Gabagabo intuu dhigay wuxuu, cadow ka guulaystey
Ama libin ku gaardiyey dagaal, haadku gabasleeyey
Dadku goob u joog buu ahaa, gebi ahaantiiye
Gucle iyo intuu orod naftii, gebi ka tuuraayey
Oo guusha uu rabey dadkaba, cidi gargaaraynin
Intuu qaranka geed dheer u koray, amase kii gaaban
Dadku goob u joog buu ahaa, gebi ahaantiiye
Geesigu mar buu gaylamaa, camal guhaadaaye
Garsoor iyo xaqii waayadii, laga gawaan raacay
Ma gabane intuu gaar u baxay, gamasyaduu qaatay
dadku goob u joog buu ahaa, geebi ahaantiiye
Kolkii guda collow dhacay dalkana, la is gumaadaayey
Oo gaban la dhaafayn duqow, ama gambooleyda
Intuu nabad u galay meel kastiyo, gole la meegaaray
Dadku goob u joog buu ahaa, gebi ahaantiiye
Inaan damac ka gelin maal dad iyo, dawlad wax u gaara
Geyigaba cariish kuma lahayn, uu gabbaasado e
Isagoo gargaar bixinayoo, gacantu laab maynin
Oo gunno u wada jeeshka iyo, shacabka goomoonba
Inuu marar shidaakii ka go’ay, gaadhi lagu qaaday
Dadku goob u joog buu ahaa, gebi ahaantiiye
Waxba hadalku yuu ila gudbine, waxaan ku soo gaabshey
Ninku inuu gardaadshiyo ahaa, gumaro noo tiiley
Ragii gabay markuu geedka iyo, golaha noo joogay
Maalintuu god galay waa kuwaa, soo gannoosadaye
Gafuura xuntu waatay baroor, giida ku hayeene
haddaan soo gunaanado waxay, gocatay laabtaydu
geedkii dhacaba qaar kalaa, soo gadaal bixiye
rag gedduu ahaan jiray noqdaa, goor dhow noo kiciye
Giddigeedba soomali weyn, gobol kastay joogto
Tacsi ban ka gaadhsiinayaa, geeridaa timide
Isna guri naciima ah Jannada, guulle ha u seexdo
Gurboodkiisa gaarida dhashiyo, gacalka reer Yey ah
mid gaaraan u dirayaa dhamaan, igana sii geeya
innaguna garwaaqsiga xaqiyo, samir is gaadhsiio
Hiirad. SanDiego.phone n. 619 253 – 5635.
Email, xagar2000@yahoo. com