Iclaaminta Maxkamada Danbiyada Qaranka Soomaaliyeed,By Ustaad Xassan Carab…

Filed under: Maqaallo |
UK:-(RT)Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo
Suubane(Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)karaamo iyo sharaf
ciida hooyo,xurmo iyo qadarin gaar ah wadaniga daacada ah iyo
geesiga diintiisa,dalkiisa iyo dadkiisa difaaceeda u taagan
illaaliyaha jiritaanka iyo midnimadda qaaliga ah(Muwaadiinka
xalaasha ah)waxaa ceeb,karaamo dhac iyo dulinimo mudan kuwa
dembiilayaasha ah,gacan ku dhiiglayaasha,dagaal oogayaasha,
qab-qablayaasha,sunta bada ku aasaha,nabad dhiidka xasuuqa ah,
kala fogeeyaha dadka walaalaha ah,hanti lunsadaha(badh-cadka
dhaqaalaha)iyo guud ahaanba ku xadgudbayaasha xoriyada dadka.

Qormadan ayaa mid ahamiyada gaar ahaaneed leh damiirka,dareenka
iyo khushuuca qof kasta oo dadnimo leh kana damqanaaya falalkii
foosha xumaa oo mudada 21 Sano ah ka dhacay dalkeena hooyo iyo
falal dhacay xiligii dowladii kacaanka iyo kuwo eey geeysteen
Jabhadii kacaan diidka ahaa(SNM,SSDF,USB,SPM)oo intuba ah fal
lid ku ah xoriyadda iyo xaquuqda basharka weliba qaarkood yihiin
heer xasuuq,gumaad iyo colaad isired ka reeban diinta islaamka,
xeerarka caalamka iyo curufka bani-aadaminimo oo aan hal qoro
lagu soo koobi kareeyn murugadeedii,xanuunkeedii iyo dhaawaceedii
saameeyeey qoys walba ama somaalida aqlabiyadeeda laguna saleeyn
karaayo(Cudur qabyaaladeed,naceeyb isireed iyo dano gaar ahaaneed)
oo intuba wax faa'iido ah laga dhaxliin balse murugo joogto ah
reebay waana arrinta igu dhalisay qormadan iyo kuwo dhigeeda ahaa
oo aan hore qoray kuna saabsan(Iclaaminta Maxkamadda Dembiyadda
Dagaaladii Somalia)oo u dhiganta mida carusha Tanzania ka furan oo ah Maxkamadda
dembiyadda Ruwanda.

Si arrintaasu ku hirgasho waa in ololle xoogan oo sharciyeed la
qaadaa cadeeymo iyo dembiyadda diiwanka ku duugan ee ururadda
Illaaliya xoriyadda iyo xaquuqda dadka ee heer wadani iyo heer
caalamiba iydoo beesha caalamku ka dheregsan tahay tacadiyadda
lidka ku ah bani-aadaminimada oo intii mudo ah ka dhacaayeey ama
ka jiray dalka somaaliyeed welina ka socda oo qaarkood eey hadda
wadaan maamuladda waji beeleedka leh iyo kooxaha nabad diidka ah
waxaan u soo jeedinaayaa ururadda siyaasadeed iyo kuwa bulshada
in eey arrintaas doorkooda ka qaataan si loo helo cadaalad loona
ciqaabo guud ahaanba shakhsiyaadka lagu eedeeynaayo ku kicida ama
ka qeyb qaadashada falal dembiyeed lid ku ah bani-aadaminimadda
oo guud ahaanba ka dhacay dalka somaalia,qofkii tacadi geeystay
waa in lala xisaabtamaa meesha ku haboona uu ku dameeyaa(Jeel).

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -sharifhassan50@hotmail.co.uk -Jun-11-2012. 

One Response to Iclaaminta Maxkamada Danbiyada Qaranka Soomaaliyeed,By Ustaad Xassan Carab…

  1. ustaadka fikrad aaduwacan ayuu soo jeediyey waaa in arrinta cidda gacanka gaysan kartaa aaanayhagranuna hiilin danbiiiilaha ee u hiilisaa xaqqaiyo cadaalada iyo madluumkaintaba

    aljas
    June 12, 2012 at 6:39 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>