Tukaraq:-(RT)Dagaal Xoogaan ayaa Hada ka qaraxay Deegeanka Tukaraq kaas oo u dhexeeya Ciidamada Muulka Khaatumo State & Maleeshiyaadka Jabahada SNM.
Dagaalkan ayaa ah mid ay qorshihiisa wadeen ciidamada jabhada SNM ee kusuganan gumaysigana ku haya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Soool.
Sidoo kalana dagaalkan ayaa Qayb waxaa ka qayb qaatay Ciidamada Maamulka Faroole dhankooda kasoo wadda weerarka Ciidadamada Xoogaga Khaatumo, Maadaama ay labada Maamul kasimanyihiin Curyaaminta Maaamulka Khaatumo State.
Dagaalkan ayaa ah mid Xoogan usocda lamana xaqiijin wali qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iyo goobaha uu kusii siqayo.
Dhinaca kale Gobolka Cayn ayaa waxaa kataaggan Saan saan Colaadeed waxaan Ciimada Huwanta ah iyo Maleeshiyada Beesha Siilaanyo ay halkaasi Ay xalay iyo Saakaba kawadaan deegaanada Ay kusugan yihiin.
Sidoo kalana waxaa lafilayaa inay Weerar kaas lamida ku soo qaadaan & Ciidamada Xoogaga Khaatumo State ee Deegaanka Buuhoodle, Halka Ciidamaduna ay difaac adag ku Jiraan.
Isku soo wada duuboo lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan sadex geesoodka ah maadaama uu Dagaalkii wali soconaayo ayna adagtahay in jiidaha hore laga helo warar sugan.
Realtaleex News Desk.