Yaa Tol U ah Horgalada?Mindhaa hadafkoodu waa caloosha ii buuxi!…

Filed under: Maqaallo |

Laascaanood:-(RT)Geyiga soomaaliyeed wuxuu u xuubsiibtay maamulo, sidaasi bayna qabiilooyinka soomaaliyeed u arkeen inay danahooda siyaasadeed ku gaadhi karaan, hase ahaate waxaa soo baxay Horgalo iyaga aan la garanaynin hadafkooda? mindhaa hadafkoodu waa caloosha ii buuxi, masaariifta ciyaalka ii siiya, anna aan adeege idiin ahaado abidkiin?!!!.

Xillgan oo ah kala guur waxaa ayaan daro maamulka Faroole ee ku fashilmay soo celinta Laascaanood, waxay garab siinayeen maamulka SNM ee isagu beesha reer Khaatumo ku wada dhulballaadhsiga iyo aargoosiga qarsoon iyo kiisa qayaxanba, maxayse tahay sababtu?

Ninbaa laga hayaa Nin la isugu tegay ninkaasi nin dheh, horta waxaa iska cad maamulada hareeraha inaga xigaa waxay ogaadeen inaysan iska loodin karin maamulka Khaatumo State oo ay shacabkiisu wataan, raallina ka yihiin, marka taasi ayaa ku qasabtay horgalada calooshood la ciyaarka ahi inay isu gaashaan buuraystaan, xoog iyo iskaashina ku qabsadaan magaalada Tukaraq, mase sii joogi doonaa?

Tan kale dhinaca Faroole oo isagu had iyo jeer u taagan dibindaabyeynta, iska horkeenida, hubaynta horgalada oo u baqaya inay adeegooda waayaan iyo baabi’inta beesha Dhulbahante ee ayaaheeda u midowdey, wuxuu helay fursad uu ku fushado muraadkiisa guracan.

Aan u soo noqdo dulucda qormadaydee Yaa tol u ah Horgalada? waxaad mooda in ay iska cadahay horgaladu inay yihiin shakhsiyaad ka soo jeeda reero, qaarkoodna dibadaha joogaan qaarna dalka gudihiisa.

Hadaba miyeysan dadka ehelka u ahi, marna aysan horgalada kala hadlin sharaf dhaca, xurma darada, quudhsiga, hagardaamaynta, daba dhilifnimada, ay shacabkooda ku hayaan? miyeysan marna kala hadlin inay ka waantoobaan ka shaqaynta guri kale, koodii oo u baahan? miyeysan marna kala hadlin taariikh xumida, xaqiraada iyo karaamo xumida ay maamulada kale la dhex joogaan? mise waxaasiba ma dareensanee beesadooda u cad, ilayn horaa loo yidhi Nin hunguri ka qaaday waa nin seefi kaa qaadaye!!!…

Labada maamulba waxay u taagan yihiin shacabkooda horumariyaan, deegaankooda horumariyaan, danahooda u ordaan, waa halka horgaladuna u ordayaan yaan masaariifta laga goyne, reerkaaga soo gumaad….. waxaaba la sheegaya in horgalada faroole ay horgalada SNM soo gaadhsiiyeen kharash maalin dagaal, ilayn calooshu wax kale ma taqaanee….waana tan loo adeegsaday duqaynta iyo qabsashada Tukaraq…

Libinta iyo guusha meeshaasi ka dhacda horgaladu waxay moodayaan inay leeyihiin, balse waxaa iska leh maamulada soo dirsaday, iyagana waxaa libin u ah maalin dagaalkooda, caagadooda oo loo dhaamiyo, maandooriyahooda oo jeebadaha loogu guro, ka dibna inta madaxa loo salaaxo lagu yidhaahdo (Well Done) shaqo fiican baad qabateen….. waaba niman hankoodu intaasi ku siman yahay…. allow soo uruuri..

Ugu dambayntii horgalada waxaan u sheegayaa inay dhawaan iska soo dhamaan doonto shaqadoodu maadaama wadanku geliyo jewi siyaasadeed oo cusub, dadka ehelka u ah Horgaladan oo aan odhan karo qaar baaba raalli uga ah horgalanimadooda, misana kuwa aan la qabin fikradaasi waxaan leeyahay inamadiina horgalanimada sharafta moodeey la hadla, dalka ka saara xitaa si aan mar dambe loogu shaqaysanin…..

Waxaan ku soo koobayaa Horgaladu tol waa leeyihiine, tolkood ha qabteen hadii kale waxay noqonaysaa kuwo ka raalli ah wasakhnimada, daba dhilifnimada, reero kale u adeega, biyaha kulul ee loo qaado iyo qaadkooda ay dhiiga shacabkooda ku helaan inay iskaga dhex dabaashaan…. iyagoo uga danleh oo reer hebelba koodu wuu ku jiraaye ee kiinna maxaad uga reebaysaan……

Maxamed Xasan Diiriye

diiriye@hotmail.co.uk

Laascaanood,Khaatumo State Of Somalia

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>