Is-bahaysigii Tukaraq : Khasaare iyo Faa’iido Qore: Axmed Tabaatiig…
Kuwait:-(RT)Labada ciidan uma tartamayn qabsashada magaalada iskamana kala ceshanayn ee way isku
taakulaynayeen. Ma ahayn laba ciidan oo isu cadaw ah ee waxay ahaayeen laba ciidan
oo isu calool fiyow cid kalena la wada col ah iyadoo cidaas kale tahay beesha Maamul
Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya.
Waxaynu hoos ku muujinayna khasaaraha iyo faa'iidada dhaqdhaqaaqa Tukaraq maamulada
Puntland, Somaliland iyo Khaatumo midkoodba kala kulmay:
Maamulka Puntland:
Sida la ogyahay Madaxweyne ku Xigeenka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, wuxuu ahaa
Taliyihii Ciidanka Daraawiishta ee Somaliland ka qabsatay Laascaanood 15kii
Oktoobar, 2007. Ilaa Sabtidii, 16/06/2012 oo ah maliintii isagoo kaashanaya
Somaliland uu Tukaraq qabsaday wuxuu ciddii u diyaar ah inay dhegaysato u sheegi
jiray inuu xoreyn doono Laascaanood iyo degaamada kale ee Somaliland xaq-darada ku
haysato. Sheekadaasi waxay soo gebagebowday markuu iskaashiga la galay Somaliland
isagoo u kaashanaya tolkiis. Hadda ka dib qofka dadka ugu damiinsani ka maqlimaayo
ninkaas hadal noocaas ah. Dad aan badnayn oo asal ahaan ka soo jeeda gobolada Sool,
Sanaag iyo Cayn oo sidiisa oo kale dano gaar ah lihii Garoowe waa ku hadhayaan
laakiin qof kasta oo gobolada SSC u dhashay oo caqli leh iyo maamulka Puntland waa u
kala dhammaatay.
Natiijada: Maamulka Puntland wuxuu waayi doonaa kalsoonida dadka u dhashay
gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee weli taageersanaa waxana muuqday inaanu lahayn
awood ciidan oo ku filan mar haduu taageero ciidan weydiistay Somaliland. Dhinaca
kale Puntland faa'iido cusub weerarkan kama helin. Waxa keliya oo usoo noqday
cashuurtii ay kastamka Tukaraq ka heli jirtay oo iyadana aan la hubin inay sideedii
noqon doonto maadama meeshii noqotay goob dagaal.
Maamulka Somaliland:
Ilaa maalintii Soomaalidiidku ku dhawaaqeen inay dal gaar ah yihiin, waxay
shacabkooda ku maaweelin jireen inay xuduuda "Jamhuuriyadda Somaliland" oo ah
Yoocada soo xidhi doonaan. Markay Tukaraq yimaadeen Yoocadii way u soo dhowaadeen
isla markaasna Tukaraq waxay ku wareejiyeen Puntland iyagoo dib ugu
laabtayLaascaanood iyo meelihii ay ka soo duuleen. Halkaas waxa ka muuqata inaanay
ku talajirin inay Yoocada gaaraan oo "xuduuda soo xidhaan".
Natiijada: Maamulka Somaliland wuxuu khasaaray kalsoonidii shacabkiisa oo rajaynayey
inuu xuduuda u soo xidho si ay "ictiraaf" u hesho "Jamhuuriyadda Somaliland" ee 21
sano ka dib aan ka muuqan khariidada aduunka.
Waxa Maamulku "faa'iiday" {sida wararku sheegeen}$300000 {saddex boqol oo kun oo
dollar} iyo laba foosto oo shidaal ah oo Maamulka Puntland ku soo kiraystay si
Tukaraq loola qabto.
Maamulka Khaatumo:
Dagaaladii ilaa hadda dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland waxa mar kasta gacan
sareeyey ciidanka Khaatumo. Waxa ciidanka Khaatumo markasta diyaar u yahay difaaca
degaanka Khaatumo iyo soo celinta degaanada maqan laakiin isaga oo afar bilood jira
suuragal uma ahayn inuu isku mar u babac dhigo laba ciidan oo isku dar ahaan jiray
35 sano {ciidanka Somaliland wuxuu jiraa 21 sano kan Puntland-na wuxuu jira 14 sano.
Isla markaas labadaas ciidan waxa intaas u dheer khibradii ciidan ee ay ka
korodhsadeen jabhadayntii ay ku duminayeen Qarankii Soomaaliyeed}. Sidaas awgeed
xeel dagaal oo heer sare ah ayaa madaxda Maamulka Khaatumo muujiyeen markay
go'aansadeen inay ka baxaan Tukaraq ka dib markii ciidanka Puntland dhinaca bari ka
soo weeraray iyadoo Ciidanka Khaatumo dagaalkii kula jiro Soomalidiidka.
Natiijada: Waxa 16/06/2012 oo ah maalintii is-bahaysiga xaaraanta ahi Tukaraq
qabsaday magaalada Taleex soo gaaray ciidan kor u dhaafay 150 nin oo ka soo goostay
maamulka Puntland. Ciidankaas oo u dhashay gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ma aha kii
ugu horeeyey ee ka soo goosta maamulkaas gabalkiisu sii dhacayo. Ilaa maalintii
Maamul Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya lagu dhawaaqay si is-dabajoog ah ayaa
saraakiisha iyo askarta Khaatumo u dhashay uga soo baxayeen labada maamul ee
xaq-darada isukaashaday. Faa'iidada ugu weyn ee Maamulka Khaatumo dhacdadan Tukaraq
ka heli doonaa waa dadkiisa oo midooba isku-meelna uga soo wada jeesta labada maamul
ee jiritaankooda neceb.
Qof kasta oo u dhashay Sool, Sanaag iyo Cayn oo weli u adeega labada maamul waxa
haboon inuu inta goori goor tahay is-weydiiyo su'aasha ah: Maxaa aniga meesha i
dhigay oo gunnimada i baday?!!! Qof kasta oo u dhashay Khaatumo oo dalka gudihiisa
ama dibediisa jooga waxa waajib ku ah inuu is-weydiiyo su'aalahaha ah: Maxaan anigu
qof ahaan qaban karaa? Maxaa igu waajib ah? Waa maxay kaalinta aan ku leeyahay
xoreynta iyo dib u dhiska degaanka Khaatumo iyo midnimada Soomaaliya?
Axmed Tabaatiig ahmedtabaatiig@yahoo.com