Dagaalyahanada Al shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Beled-xaawo.

Filed under: Wararka |

Dagaalyahanno katirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay 3:30 aroornimo waxa ay weerar isugu jira madaafiic iyo hub fudfudud ku qaadeen degmada Beledxaawo ee g/geddo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Weeraradan oo ahaa kuwo culus ayay dagaalyahannada Al-shabaab waxa ay ku qaadeen saldhiga degmada Beledxaawo iyo guri uu daganaa mid kamid ah howlwadeenada hay’ad samafal oo dhawaan ka shaqo bilowday degmadaasi, waxaana weeraradaasi ay sababeen khasaarooyin soo gaadhay dad rayid ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo khasaaraha ka dhashay weerarka, waxana wararka qaar ay sheegayaan in dagaalkii xalay uu sababay dhaawac soo gaadhay laba qof oo rayid ah.

Wararka ka imanaya magaalada Beledxaawo ayaa  sheegaya in ku dhowaad 35 daqiiqo uu dagaalka socday, waxa uuna wararku  intaasi ku darayaan in weerarka ay soo qaadeen dagaalyahannada Al-shabaab, israsaaseyn culusna ay dhexmartay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalku uu sababay dhaawac soo gaadhay laba qof oo rayid ah, aysana jirin cida kale oo wax ku noqotay weerarkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo Nuur Sayax Xareed ayaa warbaahinta u sheegay in uu koobanyahay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ay Alshabaab ku soo qaadeen magaalada Beledxaawo, isagoona sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaadhay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi.

Masuulkani ayaa intaasi ku daray in ciidamada ammaanka degmadaasi ay saaka howlgallo ka bilaabeen xaafadaha kala duwan ee beledxaawo, kuwaasoo uu sheegay in lagu baadigoobayo dad la tuhunsayahay in ay la shaqeeyaan dagaalyahannada Al-shabaab ee gobolkaasi Gedo.

Illaa imika ma jiraan warar ku aadan dagaalkaaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab, waxaana saaka Degan xaaladda magaalada Beledxaawo, iyadoona ay si caadi ah u shaqeynayaan adeegyadii bulshada.

Realtaleex News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>