“Eed inu Majeerteen galiyo aana hadhi weyda,In anay ka ashkatonayn hadhow anigu taan geesto,Waa inu markhaati unoqdaa idilka Daaroode’Gabayga Oofa Weerar,

Filed under: Maqaallo,Suugaan |
UK:-(RT)Akhristayaaltixdan gabayga ahi waxay ku socotaa dhacdadii layaabka lahayd ee doraad ka dhacday
magaalda Tukaraq ee goloka Nugaal Godan (SOOL)
taasoo midaysay kashiftayna laba qolo oo saaxiib ku ahaa lugooyada deegaanka SSC
laakiin dadka intiisa indhow araga ahi moodi jireen dad cola ama isku neceb
haysashada dhulkan laakiin anigu weligay aan ogaa gabayo horena ka tirshey.
.
1 Amuurtaynu aragnaayi waa oday kasheekeeye
2 Arin uguba weeyiyo midaan uunka soo marine
3 Eed inu Majeerteen galiyo aana hadhi weyda
.
4 In anay ka ashkatonayn hadhow anigu taan geesto
5 Waa inu markhaati unoqdaa idilka Daaroode
6 Islaameedku waa inay dhamaan wada ogaadaaye
.
7 Eegiyo waxii maanta dhacay maqal Ogaadeene
8 Absamiyo Mareexaanyo Geri waa ogsoonyahaye
9 Awrtabliyo Xeriyo Tanadayaal hele aliiftiiye
10 Iyaba way arkaayaan intuu dhalay adeerkaye
.
11 Iskaashiga Isaaq iyo Pudland wayla amankaage
12 Isir kama dhexeeyiyo tolnimo labada ooloode
13 Inan iyo abtigi maaha iyo ina adeer yaale
.
14 Ishinka iyo maalkay dhaqdaan waa isma arkaane
15 Oodi kama dhexaysiyo inay wada arooraane
16 Is aqoonta labadooda yaa aad ukala dheere
.
17 Anigaa ilaah igu alkumay aaggagaa dhexe’e
18 Aloolkoodu waa aniga iyo udub dhexaadkiiye
19 Adyada iyo maagay malaha waw ilama adeere
.
20 Ollolaha dagaal iyo rabshada laysu ixibaystay
21 Aataaga iyo weerereda labada oofooda
22 Uur jiifku waa garanayaa waxay u jeedaane
.
23 Inkastay af badan leedohoo gudinta loo aayo
24 Hadii aan in Geedihi ku jirin idhan ma goyseene
25 Aniguna sidaasaan ihiyo anigigoo kale’e
.
26 Waxaba yaan cidkale eersanoo qolana eedayne
27 Wax la’ii adeegsanahayaa aniga qaybtaye
28 Usha layla dhacayaayi waa inama daydiiye
.
Abwaan Hurre Dabayl wstnugaal2011@hotmail.com

One Response to “Eed inu Majeerteen galiyo aana hadhi weyda,In anay ka ashkatonayn hadhow anigu taan geesto,Waa inu markhaati unoqdaa idilka Daaroode’Gabayga Oofa Weerar,

  1. Abwaan hurre inaba caadi maha gabay gani

    Ahmed daaci
    June 21, 2012 at 1:42 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>