GUDIGGA FARSAMO CAQBAD HOR LEH OO HALIS KU AH HANAANKA DAWLAD RASMI AH(ISBAARO)…

Filed under: Maqaallo |
UK:-(RT)Ku:-Golaha Odayaasha Dhaqanka Somaaliyeed.
Ku:-Golaha Culimaa-udiinka Somaaliyeed.
Og:-Sharciyaanadda Somaaliyeed.
Og:-Xisbiyadda Siyaasadeed.
Og:-Ururka Haweenka Qaran.
Og:-Ururka Dhalinyaradda Somaaliyeed.
Og:-Kutladda(Kooxdda)Dariin Qaran(Xildhibaanadda).
Og:-Qurba Jooga Dareenka Wadaniyadeed Leh.
Og:-Gudigii Qaran Diyaariinta Dastuurka.
Og:-Dhammaan Murashaxiinta Madaxweyne-nimo.

Ujeeddo:-Gudigga Farsmo(Caqabad Hor Leh).

Sida la wada ogyahay waxaa Golaha Wasiiradda Xukuumadda
KMG kulankoodii dhowaan ka soo baxay magacaabida gudigga
Farsamo oo ka mid aheyd qodobadii kulankii kooxdda isku
magacoowday(Seexayaasha)ku sheegeen Neyrobi Kenya,sida ku
cad qoraalka rasmiga ah oo kulankaas ka soo baxay waxaa
la shaaciyeey magacyadda gudigga Farsamo oo ka kooban 27
Xubnood oo kala metelaaya(Lixda Saxeexe)Dowlada:-Sh.Sharif,
Sharif Xassan Iyo Dr-Gaas,P/Land,Galmudug iyo Ahlu-Sunna,
iyadoo meesha laga saaray gudigii madaxa banaanaa Dastuurka
diyaariinta muddo dheer wadeey(Gudigii Qaranka)waana arrin
la yaabkeeda leh oo la oran karaayo(Inqilaab cad)isla markaana
cadeeyn u ah wax is-dhaba mariin iyo bedeladda qeybo badan oo
nuqulka asliga ahaa ee Dastuurka(Gudigu ma wada metelaan dadka
Somaaliyeed).

Hadii aan ku noqdo ujeedadda qormadan waxaa su'aalo badan ka
jiraan ujeedada ka dameeysa magacaabida gudidan,awoodoodda,
doorka eey ku yeelan karaayaan soo xulida ergooyinka ansaxiinta
Dastuurka iyo xildhibaanadda barlamaanka cusub,yaa go'aanka ama
awooda soo xulineed leh odayaasha dhaqanka mise gudidda,sida ku
cad qoraalka xukuumadda oo kooban(Faahfaahsaneyn)gudigu dib u
eegida ayeey ku sameeynaayaan ergooyinka iyo xildhibaanadda la
soo xulo(arrin ujeedooyin qarsoon ka dameeyaan ama la damacsan
yahay in shakhsiyaad si gaar ahaaneed loogu tilmaansado)weliba
saxeexayaasha gaarkood ahamiyad gaar ah siinaayaan,yaa qiimeeyn
ku sameeyeey gudigan farsamo(qaarkood yihiin shakhsiyaadka ku
caan ah ka shaqeynta howlaha kala fogeenta somaliyeed,kuwo kale
leeyihiin dhaliilo hanti lunsasho(xatooyo)kuwo kalena shaqaalle
dantooda racda ka yihiin maamulada qaarkood(wax kalsooni ah ama
xiriir ahana lala laheyn degaamada eey asal ahaan ka soo jeedaan).

Waxaan halakn uga soo jeedinaayaa Golaha Odayasha dhaqanka,golaha
Culimaa-udiinka iyo bahdda sharci yaqaanadda somaliyeed iyo inta
damiirka leh in eey ka digtoonaadaan qorshahyaasha qarsoon oo eey
wadan karaan ama ku lamaan gudiga farsamada(howshoodu cadeyn)iyo
dastuurka nuqulada badan leh iyo qorshayaasha lagu curyaaminaayo
awooda iyo maqaamka odayaaasha somaaliyeed iyo isku deeyga ama
damaca farsameeyn oo lagula wareegaayo masuuliyada odayaasha ee
soo xulidda egrooyninka iyo xildhibaanada barlamaanka,waxaan talo
ahaan u soo gudbinaayaa golaha odayaasha in eey marka koowaad la
yimaadaan cod mideeysan oo danta guud ku saleeysan,in eey madaxda
sarre dowladda gaar ahaan Xukuumdda u yeeraan si dhab ahna awooda
gudigga farsamo hab wada jir ah u qeexaan,sidoo kale odayaashu ha
ogaadeen in awooda xulidda ergooyinka iyo xildhibaanadda marna la
geliin muran ama cid kale qayb ka noqon,sidoo kalle odayaashu waa
in eey u yeeraan marka dastuurka la hor-keenaayo(gudigii Madaxa
banaanaa Dastuurka(Gudigii Qaranka)si loo xaqiijiyo hadii eey
jiraan bedelaad ama qodobo si kale loo dhigay dastuurka,midna ha
ogaadeen odayaasha si weyna ha uga digtoonaadaan guud ahaanba:-
Wixii lid ku noqon karaaya shareecadeena Islaamka,qaranimadeena
iyo guud ahaanba wixii cadaalad darro,sad bursi iyo dulimiba leh
in aanaay ogolaan(Dastuurka xalaal ah oo ummadda somaliyeed lagu
dhaqi karaayo wax ka hooseeya odayaalculimaa-udiin,sharci-yaqaano
waa maya,maya wallee maya.

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -shaifhassan50@hotmail.co.uk. -June-27-2012. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>