Safaarada Soomaalida Ee Wadanka Turkey Oo siweyn looga Xusay 26ka June+ Sawiro…

Filed under: Wararka |

Istanbul:-(RT)Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka June waxay ku beeggan tahay maalintii ay xorriyada qaateen gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya, waxaana markii ugu horreysay calanka Soomaaliyeed laga taagay magaalada Hargeysa.

Safiirka Soomaalida Ee Dalka Turkiya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa maanta isagoo la hadlayay Saxaafada wuxuu ugu hambalyeeyey Umada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan
Safiirka Soomaalida Turkiga Mudane Maxamed Mursal aya sheegey in 26june ay tahay maalin taariiqi ah oo aan la iloobi Karin wuxuu ka sheekeeyey mr. Mursal 26-ka Juun waxay tahay, wuxuuna yiri:-
Sanadka markuu ahaa 26-ka June 1960-kii ayaa gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya waxay ka xorroobeen gumeysigii Ingiriiska.
Maanta oo kale ummadda Soomaaliyeed waxay u tahay maalin weyn, iyadoo ay u suuragashay shacabka oo isku duubnaan muujinaya in ay iska dul qaadaan dhibaatadii gumeystaha Ingiriiska.
Xuska munaasabadda 26-ka June oo ka soo wareegatay 52 sano markii ay xornnimada qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa meel kasta oo ay umada soomaaliyeed jookto waxaa laga dareemaya farxad iyo damaashaad iyodoo lagu guda jiro todobaadkii xoriyada.
C/qaadir Maxamed Nuur ” JAAMAC” oo ah Xoghayaa Koowaad ee Safaaradaasi ayaa isna umada soomaaliyeed uga hambalyeeyey Xuska maalinta 26-ka juun oo ah maalin ku weyn umada soomaaliyeed sida uu yiri, wuxuuna u rajeeyey Bash bash iyo baraare iney kunoolaadaan kuna gaaraan sanadkaan kiisa.
Si kastaba ha ahaatee Safaarada Soomaalida ay ku leedahy Dalka Turkiya ayaa wi diiran oo farxadi ku dheexan taahy waxay u xustey Maalintaan 26-ka Juun taasoo ah mid manta laga wada xusayo Meelo badan oo aduunka ka mid ah.

 

Halkan Ka Daawo Sawirobadan.

 

Nimco Caagane
Hargeysa,Somaliya.
Nimco@realtaleex.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>