Kigali:-(RT)Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo wafdi uu Hogaaminayay ayaa xalay gaaray Magaalada Kigali Ee Caasimada Dalka Ruwanda halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Kigali waxaa kaga hortagay oo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Dalkaasi iyo Madax sare oo katirsan Dowlada Ruwanda kuwaa markii dambe usii galbiyay xarunta Madaxtooyada Dalkaasi.
Madaxweynaha ayaana Salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidamada Ruwanda oo kusugnaa garoonka Diyaaradaha iyadoona soo dhaweynta xalay Madaxweyne Shariif loogu sameeyay Dalka Ugandha ay aheed mid aad u sareesay.
Madaxweyanaha ayana qasriga Madaxtooyada Dlakaasi kula kulmay dhigiisa Bowl Kigami iyagoona kawada hadlay Xariirka ka dhaxeeya Labada Dal ee Soomaaliya iyo Ruwanda iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkaasi Dowlada Ruwandana gacan buuxda usiin laheed Dowlada KMG.
Ugu danbayntii Madaxda Dawlada Sida madaxweynaha iyo Raisul-wasaaraha ayaa Kaan baynkoodi Doorashada Kawada Wadanka Debediisa intii ay ay ka bilaabi lahaayeen Dadlka gudihiisa Oo ay joogaan Dadka ay doonayaan inay Xukumaan,waxaa meela badan ay kawadaan Lacag Urursi iyo Balanqaadyo dad loo samaynayo,Shariif ayaa Ayaa Labadii Asbuuc Ee ugu Danbeeyay Maray In kabadan 10Wadan Oo aduunka Ah Halka C/wali na uu isu maray Uganda,Kenya maantana tegay Italy.
Realtaleex News Desk.











