Khartuum:-(RT)Madaxweynaha dowlada TFG-da Shariif Shekh Axmed, ayaa dadaal ugu jira sidii dhowaan dalka ay usoo gaari lahayd lacag cusub oo bedesha tan haatan la isticmaalayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Suudaan ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi isagoo kala hadlay arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso dardar gelinta qorshaha lacagta cusub ee dhowaan lafilaayo inay soo gaarto gudaha dalka.
Safarka Madaxweynaha oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo uu kamid yahay wasiirka Maaliyada ayaa lasheegay inay booqdeen shirkad lagu sameynayo lacago cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya, taasoo loogu talagalay in ay badasho lacagta haatan ka jirto dalka isagoo Madaxweynuhu warbixin ka dhageystay shaqaalaha ku howlan sameynta lacagta cusub iyo mas’uuliyiinta shirkada.
lacagtaan cusub oo horey loo shaaciyay inuu yeelandoono dalka ayaa lasheegay inay ka koobnaandoonto 5000, 10,000 ilaa 50,000 Sh.Som ah.
tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Siyaad Barre dalka Somaliya ma uusan yeelan lacag rasmi ah marka laga reebo lacago ay soo daabaceen dad gacansato ahaa oo ka badin waayay inay keenaan lacagta Kun-ka Shilin taasi oo mar mar badan ay abuurtay sicirbarar ku yimaada suuqyada iyo bulshada Soomaaliyeed, balse lama saadaalinkaro lacagantaan haatan soo socota ay lamid noqonkarto tii hore iyo in kale maadaada nidaam dowladeed ay ku imaanayso.
qorshahaan uu wado Madaxweyne Shariif ayaa kusoo beegmaysa xili dhowaan dalka uu geli doono marxalad cusub oo kala guur ah iyo doorashooyin madaxtanimo oo markale lagu yagleelo dowlad loo dhanyahay oo bedesha tan KMG ah e haatan jirta iyo xili Shariif Sheekh Axmed uu dadaal ugu jiro inuu markale kasbado taageerida dadka Soomaaliyeed si uu markale u helo jagada Madaxweyne nimo.
Realtaleex News Desk.





