BAAQ NABADEED OO AY DIRAYAAN URURKA ARDAYDA KHAATUMO EE WAX KABARATA JAAMACADAHA KALA DUWAN EE DALKA UGANDA,KHATUMO STUDENTS’ UNION IN UGANDA (KH.S.U.U)
Uganda:-(RT)Ururka KH.S.U.U waa dalladda guud ee ay ku midoobeen dhammaan ardayda
khatumo ee wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee dalka Uganda. Hadaanu nahay
Ururka Ardayda wax wakabarata
jaamacadaha kala duwan ee dalka Uganda waxaan halkaan Baaq Nabadeed uga
diraynaa labada Beelood ee walaalaha ah ee Colaadu ku dhexmartay Degmada Docmo,
ee gobolka Sool, waxaana walaalaha labada dhinac ugu Baaqaynaa inay Colaada si
dhaqso ah u Joojiyaan, Dhibta iyo Dagaalkana Nabad iyo Walaaltinimo ku
Bedelaan.
Waxaan leenahay; walaalayaal Tixgeliya walaaltinimada, Tolnimada, xigaanshaha,
maamuuska iyo magaca guud ee gobolka colaadana joojiya idinkoo u danaynaya
wiilasheena, gabdheheena, hooyooyinka iyo maatada kaleba ee u baahan in wax la
taro ee aan dhib iyo colaad u baahnayn marnaba.
Walaalayaal tixgeliya Duruufaha adag ee aynu ku jirno Deegaan ahaan, tixgeliya, marxaladda
uu maanta marayo deegaankeena, tixgeliya in colaadda iyo dhibka dhexdeena
kadhaca uu farxad u yahay cadaw aan horumarkeena raali ka ahayn dad iyo
deegaanba.
Nebigeenu (NBKH), Wuxuu Xadiis ku
yiri macnihiisu ahaa "Qofka Mu'minka ah kama suulayo inuu Diintiisa u
haysto si waasaca oo aan cidhiidhi lahayn inta aanu ku dhicin Dhiig Xaaraam
ah".
Waxaa jirta odhaah soomaaliyeed oo iyana odhanaysa “Colaada iyo Xabada wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho”.
Xubnaha sare ee Ururka ayaa soo jeedinaya inaan maanta dhexdiina looga baahnayn dagaal
ee loo baahan yahay inaad dib ufiirisaan marxaladda aad ku jirtaan iyo xaaladi
halkay marayso, aadna ogaataan inay jiraan dad badan oo cadawgiina dal iyo
dibadba inay arrintani ka farxinayso. Maanta waxaa laydiinka baahanyahay inaad
gacmaha isqabsataan oo midawdaan oo tixgelisaan walaaltinimada. Intaas oo dhan
idinkoo tixgelinaya, waxaan idinka codsanaynaa oo idiin ku baaqaynaa inaad si shuruud la'aan ah colaadda ku
joojisaan nabad iyo walaaltinimana ku bedeshaan.
Magacyadda Xubnaha Ururka Khatumo Students’
Union in Uganda (KH.S.U.U) Ee Fariinta Diraya:
1.Fuad abdinor mohamed
2.Xamdi ahmed hassan
3.Ahmed ali hurre
4.Mohamud abdi artan
5.Abdifatah Mohamed abdi
6.Abdirahman Mohamed said
7.Abdishafi farah mohamed
8.Bashir adan weli garaad
9.Abdul farah yusuf
10.Abdikani yusuf ali
11.Awil abdi bile
12.Aadan jama oogle
13.Said abdilahi aynab
14.Mohamed ali ma’alin
15Ma’alin yasin dahir
16.Abdirahman isse maxamuud
17.Mahdi abdirahman elmi
Wakiilka warbaahinta khaatumo state-Uganda Aadan Jaamac Oogle ( Xabeeb ) Bugema University