DAYACA IYO DARYEEL LA’AAN CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED.
UK:-(RT)Mahad oo dhan Alah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiis).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimda iyo Cadaalada
codka,damiirka iyo dareenka wadaniyiinta diintood,dalkooda
iyo difaacida karaamodooda u taagan,gunimo diidka ah,qiimaha
iyo qaayaha qaranimadda garanaayo iyo macaanka xornimadda oo
feejignaan leh isha ugu hayo xaaladaha wajiyada kala duwan
leh oo ka dhacaaya dalkeena hooyo,jaha wareerka siyaasadeed,
muranka iyo khilaafka danaha gaar ahaaneed ku saleeysan,hab
xeeladeedka farsameeysan oo hantida lagu dhacaayo(Xatooyadda)
dayaca,rafaadka iyo xaaladaha naxdiintooda leh heysta Xoogga
Dalka(Ciidanka Qaranka),Caafimaadka,Waxbarashadda,Agoomaha iyo
Naafadda iyo Dadweynaha barakacsan.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxeey si weyn ugu dhaliilaayaan
Xukuumadda KMG ah dayacida,daryeel la'aanta,qalab xumadda iyo
dhaqaale xumadda xad-dhaafka ah oo ka muuqda ciidanka xoogga
oo ah naftood hudhayaasha safka hore ku jirra(dhimashada iyo
Dhaawaca joogta ah la kulmaaya)halka qoysaskoodii nolol aad
iyo aad u liidata ku jiraan intooda badan marka laga yimaado
dhoowr ama in yar oo ka mid ah saraakiisha sarre(Wasiirka iyo
Madaxdda sarre ka ag-dhoow).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxeey masuuliyad daro weyn,dareen
la'aan iyo damiir xumoba dusha uga turaaynaa-Wasiirka Wasaarada
Gaashaandhiga KMG iyo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada oo si cad oo
aan la qaadan kareeyn u gabay masuuliyadii qaran ka saarneyd
Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed oo weliba intii muddo ah dagaalo
culeeyskooda leh oo eey guulo waaweyn ka soo hooyeen kula jiray
Kooxaha nabad-diidka ah(iyadoo duruufo adag iyo xaalad dayac ku
jirra).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxeey wax laga naxo ku tilmaaman
dayaca,dhaqaale daradda iyo qalab xumidda Ciidanka Xooga Dalka
oo ah kuwa safka hore ku jirra iyo daryeelka,taakuleeynta iyo
u harag bixida loo sameeyo Ciidamdda Amison-ka oo safka 2-aad
dagaalka kaga jirra taas micnaheedu waa kuwa Amisan masuulin
xilkas ah oo ciidankooda isha ku haya ayaa ka dameeya,halaka
kuwa somaliyeed cid ka dameeysaa ama masuuliyad iska saartay
xilkooda jiriin(ayaan Darro iyo garasho xumo).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey dhowaan soo xaqiijiyeen in
Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed si joogto ah u helin mushaarka
yar oo loo qoondeeyeey,dhanka deriiskana si weyn uga dayacan-
yihiin,mana heeystaan waxyaabaha asaasiga ah sida maro-kaneecada,
bustayaasha,gogosha fuduud oo lagu seexdo iyo maacuunta cuntada,
halka illaalada Wasiirka ama Ra'isal Wasaaraha,Gudoomiyaha Golaha
Barlamaanka fadhiidka ah iyo illaalada madaxtooyadu ama kuwa sida
gaarka u illaaliyadda guryaha masuuliinta ku jiraan nolool gaar
ah iyo daryeel khaas ah(kan safka hore ku jiraana dayacan yahay).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey kale oo baaritaan ka dib soo
ogaadeen dayaca ka jira xeryadda ciidamada(dhanka dhismayaasha,
Qalabka,Daryeelka adeegyada,raashiinka,qalabka tababarada,dhanka
daryeelka caafimaadka iyo nadaafadaba(intaas iyo kuwo kelaba
waxeey tusaale cad u tahay daryeel la'aanta iyo dayaca heeysta
Ciidanka Xoogga Dalka)waana xilkasnimo daradda masuuliinta.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed marna kama aamusi karaayo dhaliilaha
jira iyo dayaca masuuliyada qaran oo amaanadda ah waana dhaxal
meel u yaal hogaanka sarre xukuumadda KMG ah iyo cid walba oo
gacan ku yeelada ama qeyb ka noqon kareeysa xil gudasho xumada
jirta(halkee aaday dhaqaalaha loo qorsheeyeey Ciidanka Xoogga)
waxaa jawaab laga sugaayaa Masuuliinta arrintu khuseeyso.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda. -Jullay-06-2012.