Seattle:-(RT)Waxaa dhamaan Jaaliyada Khaatumo State Ee Magaalada seattle iyo Nawaaxigeeda lagu war gelinayaa inuu jiro Shirweyne ay Jaaliyadu isugu imaanayso Beri Oo Taariuikhdu tahay Sabti July 8/2012.
Shirweynahan ayaa waxaa ka soo qayb gelaaya Xubno Muhiimad u leh Maamulka Khaatumo iyo dadkiisaba ,Xubno Marti sharaf ah iyo Qaar ka mid ah Ururada bulshada Ee ka Hawlgala Seattle iyo nawaaxigeeda.
Ugu danbayntii ayaa waxaa dhamaan Dadweynaha Reer Seattle Ee Ku abtirsada Khaatumo lagu war gelinayaa inay si buuxda uga soo qayb galaan Shirkan lagaga hadlidoono Arimaha Khaatumo iyo kuwa Federaalkaba.
Waqtigu waa Sabti July,8,2012@2:00pm-8:00pm
Madashu waa Bunjabi Whole Ee ku yaala Bakara Mall,Seatac Wa,98188
Ka soo qaybgal wanaagsan,Waad mahadsantihiin,Fadlan waqtiga ilaaliya.
Realtaleex News Desk.