Gudoomiyaha Jaaliyada Khaatumo Ee Uganda oo Si Kulul u dhaleeceeyey TV-ga Universal…

Filed under: Maqaallo |
Kampala:-(RT)Mahad oo dhan Ilaahay bay u sugnaatay, Amaan iyo Naxariista eebena ha ahaato
Nebigeena Udgoon Dushiisa.
Intaa ka dib waxaan Qoraalkan ku eegayaa oo aan isku dultaagayaa War aan layaabay oo
ku soo baxay Tv-ga Universal ee kaa mid ah Warbaahinta Somaliyeed ee huwan Magaca
Warbaahinta Madaxabanaan.
Marabo inaan wax ka dhaho cid warka soo tebisay oo sida Sharciga ka baxsan warkan u
helay una baahiyey, laakiin waxan rabaa inaan is dultaago Ceebta iyo fadeexada ku
habsatay TV-ga warkan baahiyey oo mulkiilayaashiisa iyo maamulkiisuba ay seegtay
inay kala saaraan saxa iyo khaladka ama ku ceeboobay inay awood u yeelan waayaan
inay Control ku sameeyaan nooca warka TV-ga ka baxaya.

Warka sida Sharci darada ah Lagu helay ee ka baxay Tv-ga wuxuu ahaa is xog waraysi
dhexmaray Maamulka iyo Shacabka Khaatumo loogumana talagelin in cid kale ay ka
ganacsato ama si kale u adeegsato, waxaana suurta gal ah in cida ama leh ama
maamusha TV-ga warka baahiyey marka la weydiiyo aay ku andocoodaan xafiis hebel baa
laga baahiyey laakiin xaqiiqdu tahay ceeb iyo Anshax la'aanta haysata maanta cida uu
ku taxaluqo TV-gan.
Waxaa beryihii u danbeeyey soo baxayey Bulsho badan oo somaliyeed oo eeda badan ka
sheeganayey TV-gan ku caanbaxay Baahinta wixii aan sharci warbaahined ahayn ama ku
mashquulsan inuu helo wax kasta uu isleeyahay waxaad helasaa cid kaa gadata oo aad
xoogaa qarash ah oo aad dadka warka u soo tebaya aad iskaga aamusisaan.

Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo ay khusayso ilaalinta Anshaxa saxaafada in ay
Arinkan eegto iyo Dadka Sheeganaya warbaahinta hadana aan wax Aqoon Anshax iyo
Khibrad midna u lahayn Sxaafada ay u Abtirsanayaan.
Shacabka Khaatumo ee warkan gediisada ku noqday waxaan leeyahay Yaanu warkani iyo
kuwa la midka ah ee ay ka ganacsadaan Dadka Cadawga u ah Khaatumo yaanay didi niyad
jebin Ogaadana Dagaalka aad ku Jirtaan ee laydinku hayo uu Dhanacya badanyahay
idinkana laydii ka baahanyahay inaad Dhinackasta Isha ku haysaan.

Ogaadana Hadaa tihiin Shacabka Khaatumo in TV-ga warka Khaladka ah Baahiyey uu
Idinka iyo Inta Sama doonka ah ee Shacabka Somaliyeed meelkasta ay Joogaan uu Dagaal
kula jiro sida ka muuqatana Hadafka loo Asaasay ay tahay inay Xoogaa Dhaqaale ah uun
ku helaan ee aanay Umada Somaliyeed wax Yeelo maahe waxtar Marna ka sugayn
Taariikhduna ay Makhraanti ka noqon doonto.
Abdulkadir Jama Mohamed Kaarshe Chairman Khaatumo State
Community In Uganda 256791226006 kaarshe997@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>