MAYA BOOBKA DHULKEENA HOOYO IYO BILILIQEEYSIGA KHEEYRAADKA-WALLE MAYA…
UK:-(RT)Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimada iyo Cadaalada
Codka,dariirka,dareenka Somaalida xalaasha ah difaacadaha
danaha guud iyo maslaxada qaranka,midnimadda cadaalada iyo
habka sinaanta leh ku saleeysan,illaaliyaha heegaanka u ah
jiritaanka iyo maqaamka madax banaanida buuxa ee dhulkeena
hooyo(Ciida Somaaliyeed)diraasad dhinaca badan taabaneeysa
kadib waxaanu soo saarnay qodobadan hoos ku xusan oo ah kuwo
ahamiyadooda leh(xasaasi ah)in si weyn looga digtoonaado:-
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey tallaabo xadgudub cad iyo
boob gardaro ah u arkaan talaabada dhul bililiqeeysiga ah oo
Dowladda Kenya shidaalka ka baaraneyso dhul badeedka Somalia
(J.Hoose) xadka la wadaaga dalkooda sida la cadeeyneeyna eey
labo shirkadooda oo Fararnsiis iyo Talyaani u ogolaadeen ama
heshiiska la galeen howlihii qoditaankana la bilaabi doono
dhowaan,waa 3 goobood ama 3 ceel waana sida ku cad maapkan.
http://youtu.be/6HZ5B3WbGTk
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed codka iyo damiirka somaalida nool
marna ma ogolaan karaayaan mana maqli karaayaan xadgudub lagu
sameeyo xuduuda xadidan ee dalkeena hooyo,tallaabadaas kenya
waddo waa fal dembiyadeed xadgudub ah waana colaad,duulaan ah
oo lagu soo qaaday qeybo ka mid ah dalkeena hooyo,isla markaana
lagu boobaayo kheeyraadkeena dabiiciga ah waana mid ka turjumeysa
colaada iyo cadoownimadda dalka Kenya oo horeba u hooysatay ama
hab gumeeysi ku heeysta dhul weyne somaaliyeed(NFD)waa xadgudub
lid ku ah xeerarka caalamka ee qeexay xuduudaha dalalka.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed waxeey halkan fariin cad uga diraayan
Dowlada Kenya in eey si deg deg ah shuruud la'aan ah u joojiyaan
howlaha shidaal baariseed oo eey ka wadaan kuna akeedaan xadka
dhulkooda,raali gelin cadna ka bixiyaan falkaas xadgudubka kana
waantoobaan ku soo xadgudubka dhulka somaaliyeed(dhulka,bada iyo
Cirkaba)sida ku haboona u xurmeeyaan xeerrka caalamka iyo midka
deris wanaaga.
http://youtu.be/6B1UkG6iaOQ
*Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed-waxaan halkan dhaliil culeeyskeeda leh
dusha uga tuureeynaa Madaxda sarre ee somaaliyeed gaar ahaan:-
Madaxweynaha iyo Ras'iisal Wasaaraha oo si weyn uga gaabiyeey
xil gudashadoodii,masuuliyadoodii qarameed indhaha ka qarsanaaya
boobka dhulka hooyo iyo bililiqeeysiga kheyraadkeena waana arrin
ayaan daradeeda leh,waxaan ku baaqeeynaa in eey arrintaas si deg
deg ah war cad oo qeexaan dhameeystiran uga soo saaran xaqiiqada
jirtana u soo bandhigaan guud ahaan shacabka-weynaha Somaliyeed
jawaabta ku haboona siiyaan dowladda Kenya(nin lagu seexdoow ha
seexan)Madaxda sarre xurmadooda iyo maqaamkooda mudan.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed oo aan marna ka gabaneeyneeyn difaaca
danaha qaranka Somaaliyeed halkan fariin cad oo digniin ah uga
gudbinayaan labada shirkadooda oo dalka kenya heshiiska la galeen
oo kala ah-Mida Fararnsiiska ah(Total)iyo mida Talyaaniga ah(ENI)
in eey iska illaaliyaan fara-gelinta dhulka somaaliya sida ku
habona u dersaan arrintaas iyo lahaansha goobaha shidaalka laga
sahaminaayo ama laga qodaayo hadii kale ha ogaadeen in sharciga
aduunka lala tiirsanaayo(dhibaato iyo fadeexadna arrintaas kala
kulmi doonaan).
*Dhaq-dhaaqa Somaaliyeed waxeey halkan baaq qeylo dhaan ah uga
diraayaan:-
-Golaha Dhaqanka Somaaliyeed,Golaha Culimaa-udiinka Somaaliyeed.
-Ururka Haweenka Somaaliyeed,Daladaha Ururadda Dhalinyaradda.
-Bahdda Aqoonyahanadda Somaaliyeed,Xisbiyadda Siyaasadeed.
-Daladda Xildhibaanada Damiirka leh,Bahdda Sugaanta damiirka leh.
-Bahadda Saxaafadda iyo Warbaahinta dareenka nool leh.
-Jaaliyadaha Qurbaha jooga ah inta dalkooda jaceyl,in arrintaas
dhaawaca qarameedka ah,dhul boodka iyo bililiqeeysiga kheyraadka
ah oo gunimadeeda leh sida cad looga hor-tago baaqyo,banaan baxyo
iyo kulamo dadweyne oo si weyn loogu cabiraayo codka bulshoweynta
lala yimaado sida ku haboona loo diido tallaabaas cadoownimo,
Hogaanka sarre ee dalkana lagu cadaadiyo laguna garab galo soo
dhicinta iyo difaacida dhulka hooyo(hab midnimadiisa leh)fadlan
hurdada gun-nimadeeda leh,ayaan daradeeda leh,ceebteeda weyn leh
guul daradeeda aayo-tiin xumadeedaba leh,dhaxankeeduna yahay mid
murugadeeda leh berina meel fog laga raadiin doono,soo celintuna
dhibteeda iyo rafaadkeeda yeelan doono(somaliyeey ka gudba arimaha
hoose iyo khaliifka,qabyaalada,colaada,dagaalada sokeeya iyo isku
maqnaanshaha dhexdeena oo arko waxyaabaha qorsheeysan oo sida cad
loogu duudsinaayo jiritaankeena laguna boobaayo dhulkeena hooyo).
-Somaaliya Waxaa Leh Somaali. -Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda. -Jul-10-2012.