Munaasabad Magaalada Seattle Loogu qabtay Musharaxa madaxweynaha Somaliya+ Sawiro…

Filed under: Maqaallo,Wararka |

Seattle:-(RT)Munaasabad lagu maamuusayay Mudane Yassin Essa Darman Oo ah Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa  Xalflad si heer sare ah loo soo agaasimay loogu qabtay Magaalada Seattle, Washington Ee cariga Maraykanka maanta oo taariikhdu tahay 7/8/2012.

Xafladdan Oo ka dhacday Hoolka Pablo Punjabi Ee ku dhex yaalla” Bakara Mall” Ee Xaafadda Seatac ayaa waxaa isugu yimi Dadweyne Soomaaliyeed oo buuxdhaafiyay Hoolkaasi Oo dhamaantood u yimi inay mar uun Arkaan Musharax Yassin.

Xafladdan waxaa ka soo qaybgalay  dadweyne kala ged-gadisan oo ka kooban dhamaan qaybaha bulshada sida Aqoonyahanno,culima’udiin, saraakiil, odayaal, dhalinyaro, haweeyn iyo suuganyahano.

Xafladdan oo ahayd mid aad loola yaabay sida loo soo agaasimay, sida loo soo xaadiray, iyo waliba sida loo daadihinaayay ayaa dadka ka soo qayb galay waxaa kamid ahaa:

Eng. Nuur Maxamuud Gaas oo ka mid ah odayaasha aad looga qadariyo degaanka Seattle.

Eng. Cabdillaahi Daahir Xassan oo ah Aqoonyahan ka soo j

Col. Xuseen Cabdillaahi Caateeye oo ka mid ahaa saraakiishii Qaranka Soomaaliyeed.

Ibraahim Saleeman oo ah CPA deggan Seattle, WA.

Col. Cumar Biixi Ducaale iyo Col. Xassan Balayax oo labaduba ka mid ahaa saraakiishii Qarankii Soomaaliyeed.

Sidoo kale ayaa waxaa si aad u sareysa looga dhex arkayay bulshada  haweenka oo ay hor kacayaan hogaamiyayaashooda. Xafladdan ayaa waxaa  ugu horeynba aayado Quraan ah ku furay Shiikh Sahal oo ah Shiikh caan ka ah Magaalada Seattle iyo nawaaxigeeda kaasoo aad ugu nuux nuuxsaday Xubinta Allah kayaabka. Intaas ka dib aya waxaa war baahiyaha la wareegay xidhiidhiyaha xafladan oo dadweynaha  magacyada Musharaxa iyo Mudanayaashii ku weheliyay Masraxa. Halkaasoo sacab iyo sawaxan mar keliya is qabsaday Hoolka Pablo Punjabi.

Eng. Nuur Gaas oo khudbad aad u dheer  jeediyay ayaa kor ka xaadiyay guud ahaan siyaasadda Soomaaliya iyo ta Gobolkaba. Sidoo kale waxaa uu Eng. Gaas daaha ka qaaday Baahida loo qabo Madaxweyne Soomaaliyeed  oo caadil ah, hogaamintana yaqaana sida Mr. Yassin  halkaasi oo mashxarad iyo sacab ka gees ka gees is qabsaday Hoolkii. Mr.Gaas ayaa hadalkiisii ku soo gebagabeeyay inay dadweynaha Soomaaliyeed doortaan Mr.Yassin Essa Darmaan codkoodana siiyaan maadama uu yahay shakhsi u qalma hogaaminta Soomaaliya. Waxaa  isna hadalka lagusoo dhoweeyay Eng. Cabdillahi Daahir Xassan oo  aad u soo dhoweeyay uguna amaanay talaabada geesinimada ah ee Yassin qaaday. Eng. Xassan oo ah aqoonyahanada ka hawl gala Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku tilmaamay Yassin inuu  aad ugu habboonyahay jagada Madaxweynaha Soomaaliya. Eng.Xassan oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi,” Waxaanu is niqiinay Yassin ilaa caruurnimadii oo waanu soo wada kornay.”

Intaa kadib ayaa waxaa sii qoto dheer u faah faahiyey taariikh nololeedka  Mr. Yassin oo lafahaantiisu ahaa sarkaal  ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka hor intaanu u leexan Cilmiga Madaniga ah.Mr Caateeye wuxuu qiray in Yassin  yahay shakhsi qadarin weyn ku lahaa Ciidanka Soomaaliyeed.Col caateeye ayaa ku nuux nuuxsaday Qadarinta Yassin ku lahaa ciidanka dhexdiisa iyo sidoo kale dadweynihii yiqiiney Soomaaliya iyo magaalada San Diego ee Gobolka California oo uu Musharaxu ku Noolaa 22kii sano ee ugu dambeyey.

Ugu danbayntii ayuu Mr. Caateeye war baahiyaha ku soo dhoweeyay mudanaha u sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya Mr.Yassin Essa Dramaan.  Hal mar ah ayaa waxaa iswada taagay dadweynihii ku sugnaa goobta min dabo ilaa dacal iyagoo musharaxa ku soo dhoweeyay Heesta Calanka Soomaaliya “Soomaliyey Toosoo Toosoo isku Tiirsada” . Kadibna mudanaha ayaa ku bilaabay hadalkiisa mahadnaq balaadhan oo uu u jeediyay guud ahaan Jaaliyada Seattle oo nasiib u yeelatayinay noqoto meeshi ugu horeeysay ee uu musharaxu kaga dhawaaqo ololihiisa siyaasadeed. Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay gaar ahaan soo qaban qaabiyayaashii iyo waliba ka soo qayb galayashii xafladdan.

Khudbadii musharaxa  ayaa waxaa ka mid ahaa isagoo ka sheekeeyay sababaha ku kalifay inuu xilligan isu taago hogaanka sare ee soomaaliya kana tago shaqadii uu Dawlada Maraykanka u yahay muddo 19 Sano ah. Waxaana kamid ahaa Qodobada soosocda

  • Inuu u Dulqaadan kari waayay Dhibaatada ku habsatay Ummadda Soomaaliyeed.
  • Soomaaliya oo loo aqoonsaday Dalka kowaad ee Musuq-maasuqa kana gashay kaalinta kowaad Wadamada Saaqiday (failed States)
  • Caasimadii Dalka oo noqotay hoyga gaajada iyo ammaan darrada.
  • Wadanka Soomaaliya oo noqday hoyga argagixisada iyo budhcad-badeeda.
  • Dhalinyarada Soomaliyeed ee tirada badan ee macna darrada ugu dhimanaysa saxaraha iyo badaha adduunka.
  • Dhulweynihii Soomaaliyeed oo gacanta Soomaaliyeed kasii baxaya bad iyo  berri.
  • Arimahaas oo dhamaantod uu u aaneeyey damiir la’aanta iyo xil kasnimo darrada Hogaamiyayaasha Siyaasada.

 

Isagoo  Mudanuhu hadalkiisii sii wata ayuu Iftiimiyay in rajada keliya ee maanta ummadda soomaaliyeed leedahay ay tahay  in masiirkii ummadda aad moodo inay gacanta ku hayaan Duubabka Soomaalida ee shirku uga socdo Muqdisho. Sidoo kale wuxuu mudanuhu hoosta ka xariiqay  INAY DUUBABKU AY KABAARAAN DEGAAN SOO XULISTA ERGADA ANSIXINTA DASTUURKA IYO XULISTA XUBNAHA BAARLAMAANKA QARANKA; LOONA BAAHANYAHAY INAY XUBNAHAASI NOQDAAN KUWO AAN SARIFMIN LAGUNA AAMINI KARO MASIIRKA UMADDA SOOMAALIYEED.

Isku soo wada duubo musharaxan oo kaga qiiraysiiyay Dadweynihii madashaa soo xaadiray ayaa halkudhegga hadalkiisu ahaa , ” Maanta Waa maalintii Soomaaliya ee Ma aha Maalintii 4.5.”

 

Ugu danbayti ayaa xafladdii waxa ay ku soo gebagabowday Jawi aad u wanaagsany taasoo laga dheehanayay wajiyada dadweynihii soo Xaadiray.

waxaan dhowaan idiin soo gudbinaynaa hadii ilaahay idmo Muqaalka xafladda iyo taariikh nololeedkii musharaxa.

Halkan Ka Daawo Sawiro Badan.

Realtaleex News Desk.

 

 

 

 

 

One Response to Munaasabad Magaalada Seattle Loogu qabtay Musharaxa madaxweynaha Somaliya+ Sawiro…

  1. xaafidulaah yaasin ibraahim ciise waanu soo dhoweyneynaa madaxweynaha somalia aad baan ugu faraxsanahey in madaxweyne aqoonyahen ahloo doorto maliya maansh alaah madaxweyne yaasin waanu ku taagersanhey ku soo dhowwo somalia waa loo baahnyahey madaxweyne mutaclin ah oo dakiisa iyo daadkisa wax u qabta

    ubax
    July 10, 2012 at 9:01 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>