Dagaal Xoogan Oo ka Socdo Sh/Hoose Iyo Ciimada Huwanta ah oo Deegaano Horleh Lawareegay.

Filed under: Wararka |

Sh/Hoose(RT)Waxaa xilagan Dagaalo Culus kasoconayaan Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kaa oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wada jira iyo Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid qorsheesan ay saaka qaadeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa ka dhacay deeganao ka baxsan Degmada AFgooye iyadoona Warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan Dagaaladaasi.

Gudoomiye kuxigeenka Dhinaca Amaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Axmad Cumar Mudane ayaa sheegay in maanta Dagaalo culus ay ku qaadeen fariisimo ay Shabaab kaga sugnaayeen Gobolka Shabeelaha hoose dagaal kaga saraeen.

Axmad Cumar ayaa intaa ku daray in Dagaalka uu yahay mid wali socda isagoona xusay in ay la wareegeen Deeganao dhowr ah ay kamid yihiin Laanta Buuro ,iyo Muuriga isagoo sidoo kale xusay in ay wali horey usocdaan.

Al-Shabaab dhankooda kama aysan hadlin Dagaalada hada socda ee la sheegay in deegaano dhowr ah looga qabsaday iyadoona Wararka Dagaaladaasi ay yihiin mid wali isasa soo taraya.
Dagaalka Horshaysan oo ay saaka qaadeen ciimada dowlada ayaa qorshahoodu yahay inay lawareegaan magaalada xarunta u ah gobolkaas ee marka.

RealTaleex News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>