DASTUURKA WAXAA KU JIRA QODOBO LIDI KU AH SHAREECADA ISLAAMKA
Muqdisho:-(RT)Max’ed Xasan Xaad oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee loo xilsaaray in ay ansixiyaan dastuurka dalka ayaa waxaa uu ka hadlay dastuurka la doonaayo in loo sameeyo dalka ay ku jraan qodobo fara badan oo ka hor imaanaaya shareecada Islaamka iyo wadaniyada waxaana uu intaas ku daray in arinkaasi ay ka digayaan isala markaana ay dalbanayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto.
Sidoo kale Maxamed Xasan Xaad ayaa tilmaamay in odoyaasha dhaqanka aysan heysan wax tixgalin ah waxaana uu dowlada ka codsaday in tixgalin la siiyo odoyaasha dhaqanka ee ansixinaaya dastuurka loo sameynayo dalka Soomaaliya isagoona sheegay in sharafta Odoyaasha meel looga dhicin.
Maalmihii u dambeyay waxa siyaabo kala duwan odoyaasha dhaqanka ula kulmayay madaxda dowlada iyo masuuliyiin ka socota Midowga Afrika kuwaasi oo ka dalbanaayay odoyaasha dhaqanka in sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan dastuurka ayaa iyana dhankooda waxa ay ka cabanayeen faragalin iyo qodobo ku jira dastuurka oo aan shareecada waa faqsaneyn.
Hadaba mar hadii odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay sheegeen in qabya qoraalka dastuurka Soomaaliya ay ku jiraan qodobo kasoo horjeeda shareecada islaamka dowlada KMG ee Soomaaliyanada aysan ka hadlin sidii ku wada shaqeyn karaan Madax Dowlada iyo Odoyaasha dhaqanka.
Realtaleex News Desk.