Ku soo dhowaada qormadii dhaqanka Oo maanta aan ku soo qaadanayno fardaha…

Filed under: Maqaallo,Wararka |

Taleex:-(RT)Farduhu waa Noocc Xayawaanka ilaahay abuurtay ka mid ah kuwa ugu qaalisan Qurux iyo Qiimaba dadkana qaar baa yihaahda waakuwa ugu horeeya halka Qaar kalena yidhaahdaan Geela ayaa ka horeeya,

Hadaba ugu hoeyntii  Fardaha Oo Soomaliya ay caan ku tahay fadhigoodu waa dhulka hoose ee looyaqaano Nugaal ama inta u dhexaysa labada Oogo Oo Caan ku ah Dooxooyin waaweyn iyo biyo haqab la’ ,Farduhu  waxay kamid yihiin xayawaanka looyaqaano nugulka Bah ahaana waa Gamaan,Farduhu waxay u kala baxaan marka hore laba Qaybood Oo kala ah Qoobweyn iyo Suunaari waxaa lagu kala magacaabaa da’ahaan ama Jinsi ahaanFfaras,Geenyo,Darmaan iyo Qayl Oo macnohoodu yahay Lab,Dhedig,Dhalinyaro iyo Caruur,Farduhu waxay Cunaan Geedaha iyo Cawska basida Xoolaha kaleba ay yeelaan .

Fardaha Oo aad moodo iminka ina lagaga maarmay baabuurta ayaa waxa loo dhaqdaa Qurux,haybad,Socod wanaag iyo Dagaal gal,raga dhaqaalohooda ayaqaanaa way jecelyihiin waxayna yidhaahdaan waxaa ugu mihiimsan inaan Neefka fardaha ahi waayin Biyo iyo Baad sidoo kale waxaa raga dhaqdaa siiyaan Subag mararka qaar ama Fardaha qaarkood sida marka ayy Dagaalka u cugtamayaan iyo wim.

Midabada fardaha lama soo koobi karo waxaana lagu sheega inay yihiin Kumanaan sida laga soo xigtay gabaygi lamagac baxay Kumanyaal ee uu tiriyay Allaha’u naxariistee Sayid Maxammed cabdille xassan Oo ahaa Hogaamiyihii Daraawiishtii Gaala diigka ahayd,balse Midabyada ugu badan Oo aan loogu dhawaaqin sida Af Soomaliga caadiga ah oo kale ayaa waxay  kala yihiin 5ta midab Ee waawayn Xamarka(Casaan),Baroorka(Cadaan),caynabka(Madow),Ashkirka(huruud),Bulaalaha(Cawl), sidoo kale waxa iyana jira Midabo ka soo dhexbaxa isla kuwaas Tusaale ahaan Xamarka ayaa u kala baxa xamar cad,Xamar jilba-madow,xamar-Dhoodi iwm,Baroorka ayaa isna u kala baxa qaaje,baroor ciid,Baroor Ubaxle iwm .

Ugu danbayntii Fardaha Magacyo ayaa loo bixiyaa sida xoolaha la jecelyay oo dhan loo sameeyo Tusaale ahaan waxa kamid ahaa Fardihii Caan baxay Ee ku dhaqnaa Dooxada  Nugaal

Dhoodi-meer,Xiin-finiin,Siiga-cir,Maydal-xiin,Raxan-weedh,Taama-diid,Caynab-Jiidh . wax yaabaha layaabka ledhi waa magacyadan Oo dhamaantood ah kuwa laba dhacaya Oo magac waliba ka koobanyahay laba kelmedood taasoo badiba aan xayawaan loo magac bixiyaa la wadaagin.

Halkan Ka Dhegayso Gabaygii Kumanyaal.

Halakan ka dhegayso Gabaygii Sayidk u tiriyay Geelii miin Alle oo laga dhacay ka soo uu ku tilmaamayo Midabka fardaha weeraridoona .

 

Waa inoo Asbuuca danbe iyo Qormada dhaqanka oo aan ku eegidoono Geela hadii ilaahay ogolaado.

Waxaa Qormadan Qoray isuguna kiin  soo duba riday

Farxaan Axmed Nuur

Nugaal77@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>