Kulan Dhexmaray Madaxa Ganacsiga Safaarada Somaliya iyo Rugta warshadaha Turkiya+ Sawiro…

Filed under: Wararka |

Istanbul:-(RT)Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa waxaa uu kulan xasaasi ah la qaatay Madax ka socta Ruugta Warshadaha ee Turkiga oo uu horkacayay Madaxa Rugta Warshadaha Mr. Nurettin Özdebir ayadoo uu ku wehilnayay kulanka Madaxa Cilmi Baarista iyo Xiriirka Caalamiga ee Ruugta Warshadaha Mr. Suat BALABAN.

Kulankani ayaa waxaa uu ka dhacay magaaladda caasimadda u ah Dalka Turkiga ee Ankara, ayadoo kullankani looga hadlay, arrimo dhowr ah oo la xirrira arrimo ganacsi iyo horumarin ee dhexmarra labada dal

Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mr. Yusuf Ahmed Hassan (Jeego) ayaa u gudubiyay Madaxdi ka soctay Rugta Warshadaha Turkiga warbixin ku saabsan ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, warbixintani oo ka hadleysay heerka xiriirka ganacsi ee imminka ka dhexeeya labada dal iyo faahfaahin ku saabsan warshadihii uu lahaan jiray dalka Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Wardshadda Hilibka, Sokorta, Shamiintada iyo Dhowr kale oo uu ku yimid burbur wixii ka dambeeyay 1991 ki.

Waxaa uu Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga, uu kala hadlay Rugta Warshadaha  ee Turkiga sidii dib loogu so nooleyn lahaa Warshadahaasi, ayadoo loo marayo habka maalgashiga tooska ah iyo sidii dib u dhis dhan weliba leh looga samayn lahaa dalka Soomaaliya oo ay ku jirto horumarinta Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya.

Gabagabadii kulankaasi waxaa la isku afgartay sidii loo aasaasi lahaa Warshado ay ka mid yihiin Warshadda Dharka, Hilibka iyo tan Sonkorta, ayadoo uu tagi doono dalka Soomaaliya wafdi sare oo ka socda Rugta Warshadaha iyo Ganacsiga ee Turkiga, si loo soo qiimeeyo sida ugu haboon ee loo fulin karo mashariicdan, aydoo ay xiligani ay aad muhiim ugu tahay sidii loo sii horumarin lahaa xirirada dhan weliba leh ee ka dhexeeya labada dal.

Nimco,Caagane

Istanbul,Turkey

Nimco@realtaleex.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>