BAAQ CAMBAAREEYN XARIGA XAQ DARRO-SH. C/NAASIR MAXAMED XASSAN…
UK:-(RT)Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa).
*Odayaasha,Aqoonyahanka,Haweenka iyo Dhalinyaradda
Beel-weynta C/Garaad(Qayaad)qurba jooga ah oo cod mideeysan
ku hadlaaya waxeey halkan cambaareeyn iyo dhaleeceen balaaran
dusha uga tuuraanyaan Ciidmada Amaanka Maamulka S/Land oo sida
xaq daradda ah,tacadiga ah iyo awood sheegasha ah jeelka ugu
taxaabay(dulmane-Al-Shiikh Cabdinasir Maxamed Xassan)ka mid
ah culimaaudiinka magaaladda Laascaanood taqi ah,ehel kheyr ah,
camal kheyr iyo cilmi diineed bariteed ku jiheeysan,kana mid ah
shakhsiyaadka sida weyn looga xurmeeyo guud ahaanba degaamadda
Beel-weynta Reer Khaatumo,hadana sida la sheegay ku xiran Jeel
ku yaal Magaaladda Hargeeysa(S/Land)iyadoo lagu eedeeynaayo in
uu wax ka ogaa qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Laascanood,
Jeelku waa mid Ciidanka Sirdoonka Rajiimka Maamulka S/Land oo ah
goob lagu dhibo si weyna loogu cadibo Culimaa-udiinka somaliyeed
oo asal ahaan ka soo jeedda degaamadda(Ogaadeeniya,Khaatumo iyo
Koonfurta Somaaliya).
Marka xaqiiqada la sheego sababta uu u xiran yahay Sh-C/Nasir
Maxamed Xassan waa wadaadnimada balse ma jiraan mana dhici karto
in uu marna gacan ku yeesho ama wax ka ogaan karro qaraxyo iyo
hawlo qof muslin ah lagu dhibaateeynaayo,waana qiil aan jiriin oo
eey maleegeen Ciidanka Sirta S/Land iyo wakiiladooda horgalayaasha
ah ee Laascaanood culimadda,dadka dhaqanka,haweenka,waxgaradka iyo
dhalinyaradba ku dhibaaya kuna xadgudbaaya xoriyadooda iyo xurmada
Muwaadinimadooda Khatumeeysan,waxaanu halkan fariin cad uga gudbiin
kuwa masuuliyada maleegida eedeen beeneedkaas u sameeyo Sh.C/Nasiir
in si deg deg uga noqdaan eedeentooda soo daayaan Shiikha faa'iidada
badan ugu fadhiya guud ahaan bulsho-weynta reer Khaatumo(somaliyeed)
gaar ahaan reer Laascanood weliba jiilka soo koraaya cilmiga diiniga
ah sida weyn ugu baahan,waxaanu ku baaqeeynaa soo deynta C/Nasiir oo
sharuud la'aan ah iyo ka wantoowga tacadiya joogtada ah ee Wakiilada
S/Land(Hargalayaasha iyo Meleeshiyaada Sirdoonka Rajiimka)ku ahaan
bulshada rayidka ah gaar ahaan culimadda,Ardeyda iyo Waxgaradkaba.
Gunaanadka waxaan ugu baaqeeynaa Culimaa-udiinka,Odayaasha Dhaqanka,
Aqoonyahanka,Daladaha Haweenka iyo Dhalinyaradda in eey ka gilgishan
talaabooyinkaas xadgudubka ah iyo tacadiyada lagu hayo dadka qiimaha
ku fadhiya sida Sh.C/Naasir oo kalle iyo boqolaalka jeelasha dembi
la'aanta ugu jirra,Fadlan ka gilgisha karaamo dhaca iyo dhaqanka ku
saleeysan gun-nimadda,Fadlan garta maqaamka sharftiina iyo qiimaha
dadnimadiinaba(Allah Xaqu Guuleeysto-Dulmiguna Suulo-Aamiin).
-Qurba Jooga Beel-Weynta C/Garaad(Qayaad). -Jull-12-2012.