Howlgalka Shabeelooyinka Wuu sii Soconayaan Inta Laga Saarayo Alshabaab Afhayeenka Amisom.

Filed under: Wararka |

Muqdisho(RT)Afhayeenka cusub ee Ciidamada AMISOM Coll, Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in howgallada ay ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ku qabsadeen deegaanka Laanta-buuro uu sii socon doono.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkii lagu qabsaday Laanta-buuro uu ku dhacay sidii loogu talogalay, isagoo xusay inay doonayaan inay gaadhaan deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaas.

Howlgalkii shalay si guul leh buu ku dhammaaday, dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaana ka jira gobolada Shabeellada, waxaana qorsheynaynaa inaan meelo kale gaadhno,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM oo kasoo jeeda dalka Jabuuti dhawaanada loo caleemo saaray xilkaas.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii afhayeenkan cusub ee AMISOM uu sheeagy in sababta xilkan loogu dhiibay ay tahay inuu shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta ku siiyo warbixinnada howlgalladooda luuqadda Soomaaliga.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen inay ka baxaan deegaanno ka tirsan gobolka kadib markii shalay laga qabsaday Laant-buuro oo ay saldhig weyn ku lahaayeen.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa waxay tan iyo sannadkii hore kula dagaalamayeen Al-shabaab gudaha magaalada Muqdisho, iyagoo markii ugu horreysay bishii May ee sannadkan qabsaday degmada Afgooye oo 30-km u jirta magaalada Muqdisho.

RealTaleex News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>