Maamulka Gobolka Banaadir Oo lagu wareejiyay Baabuurta Caafimaadka Deg Dega ah+ Sawiro…

Filed under: Wararka |

Muqdisho:-(RT)Lix gaari oo ah nuuca ambalaaska oo ah deeq ka timid jimciyada Al-Islaax Ijtimaaci oo fadhigeedu yahay dalka Kuwait ayaa maanta waxaa si rasmi ah masuuliyiin kasocota jimciyadaasi ay ugu wareejiyeen maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabad kooban oo lagu wareejinayay gaadidkaasi gurmadka oo lagu qabtay Dekada caalamiga ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno kasocday maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Jimciyada Al- Islaax Ijtimaaciyah qeybta Afrika.Bashiir Macalin Yuusuf oo ah wakiilka jimciyadaasi ayaa sheegay in deeqdan ay ka timid Maxamed Naasir Al-Yaasir oo ah nin u dhashay wadanka Kuwait ayna qayb ka tahay gurmadka dhinaca caafimaadka ee loofidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateesan magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Guddoomay deeqda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin deeqdan gaadiidka Ambalaaska ee ka timid dalka kuwait isagoo sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u howlgalin doonaan.

Gaadiidkan ambalaaska ee gaaraya tira ahaan lix gaari ayaa waxa ay qeyb ka yihiin gurmadka shucuubta caalamka ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay markii Soomaaliya Gobolo kamid ah ay ku dhufteen abaar xoog leh oo saameesay dad iyo duunyo

Realtaleex News Desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>