MURASHAXA-MARWO-SACIIDO MAX’D GOOBDOON GUUL INSHAA ALLAH…

Filed under: Maqaallo |
UK:-(RT)Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed nabadda,Midnimada iyo Cadaalada
Codka muwaadiniinta damiirka,dareenka iyo qiirada qarameedka
leh Dalkooda iyo dadkoodaba la jaceyl wanaaga,horumarka iyo
u adeegidooda(hadii eey noqon laheyn Dalkeenii ama debedda).
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo had iyo jeer taageere soona
dhoweeya muwaadin kasta oo isu taaga u shaqeynta danta guud
iyo u adeegida danaha Jaaliyadda Somaaliyeed hadii eey joogan
Qaaradan Yurub,W/Maraykanka,Austaraaliya,Aasiyadda Fog,Dunidda
Carbeed ama Qaarada Afrikaba,gaar ahaan kuwa isu taaga ka qeyb-
galka hanaanka siyaasadeed ee dalalka eey degan yihiin sida ku
biirida Golayaasha Barlamaanadda iyo Golayaasha Degaamadda

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxaa u sharaf ah soo dhoweeynta,
Taageerida iyo dhiiri-gelinta Murashaxa-Marwo-Saciido Max'd
Goobdoon oo u taagan ka qeyb-galka tartanka doorashooyinka
Golaha Degaanka Heslinki(Finlind),shaki kuma jiro in hamigga
iyo fikirka Marwo Saciido yahay mid amaan.bogaadiin iyo soo
dhoweeynba mudan ujeedada ka dameeysaana yahay ka qeyb-galka
hanaanka maamul ee degaankeeda oo runtii ahmiyad weyn u leh
Jaaliyada Somaliyeed,kaalin weyna ka ciyaari kareeysa gudbinta
baahidooda hadii eey noqon laheyd dhanka(Waxbarashadda,Guryaha,
Caafimaadka,Shaqadda,Nabadgelyadda iyo Daryeelka Ubadka)sidoo
kale Marwo-Saciido waxeey dhiiri-gelin u noqon kareeysa dadka
Somaaliyeed oo aqoonta,kartida iyo dadaalka muujiya in eey ku
dheeran karaan ka qeyb-qaadashadda Siyaasadda iyo haweeysigga
gaaridda xilal sareba.

*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxaan noo sharaf ah in aan bulshada
ama Jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqanka Dalka Finland Hislinki
sida ku haboon ula duubtaan,taageeraan oo gacan siin weyn isla
garab taagaan Walaashooda Somaliyeed-Murashaxa-Marwo-Saciido oo
iyaga ka mid ah dhalasho ahaan la wadaagta,diin ahaan la wadagta
iyo dan wadaagna la ah,isla markaana magacooda iyo maqaamkoodaba
Inshaa Allah kor u qaadeeysa hadii guusho raacdo,Fadlan garta oo
guta Masuuliyadda qarameed,degaameed iyo mida dadnimoba codkiina
qiimaha weyn siiya Walaashiin Marwo-Saciido Max'd Goobdoon,gacan
ka siiya xoojinta Ololaheeda(Nin lagu Seexdoow ha Seexan).

 -Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda. -Jull-12-2012 -sharifhassan50@hotmail.co.uk 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>