Muqdisho:-(RT)Xili la filayay horeyna loo sheegay in Maanta Magaalada Muqdisho uu ka furmayo Shirkii Ergooyinka Ansixinta Dastuurka Cusub ayaa dib u dhac ku yimid iyadoona Dib loo dhigay Shirkaasi xiliga la qabanayo.
Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa shaacisay in uu Maanta dib u dhac ku yimid shirkii Ergooyinka kadib markii ay lasoo gudboonaadeen cilado farsamo sida Wasaaradu sheegtay.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha Gudaha Cabdi Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in Shirkii Maanta la filayay uu dib u dhac ku yimid Cilado farsamo darted iyo Kaararka Ergooyinka oon wali la dhameestirin.
Cabdi Cali ayaana sheegay in Shirkan uu dib u dhacay ilaa 23-ka Bishan isagoona sheegay in lasoo dhameestirayo waxyaabaha harsan iyo ciladaha farsamo ee jira.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka ee soo xulayya Ergada Ansixinta Dastuurka in ay dhaliilsan yihiin Dastiurka Cusub ay sheegeen in ay ku jiraan Qodobo badan oo Diinta iyo Qaramnimada umada Soomaaliyered ka hor imaanaya.
Realtaleex News Desk.