Nairobi(RT)Waxaa xalay magaalada nairobi ee caasimada dalka kenya soo gaadhay murashax u taagan xilka madaxtinimada dalka soomaaliya mudane. yaasiin ibraahim ciise (darmaan), waxaana garoonka diyaaradaha jommakentta interational airport ee magaalada nairobi ku soo dhaweeyey mas’uulin ka socday maamulka khaatumo state oo ay ka mid ahaayeen wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo jaaliyadaha diabada proff. xuseebaan suleebaan dhegowayne wasiirka madaxtooyada mudane mukhtaar ibraahim xabashi, xildhibaan farax cawad jaamac guray, xogyahii hogaamiye ku xigeenkii ee ssc halgamaa coll. cali xasan axmed (sabaray) xoghayihii hore ee arim,ariamah dibada hogaankii ssc proff. maxamuud cali jaamac, iyo mas’uuliyiin kale.
mudane. yaasiin ibraahim ciise(darmaan) ayaa saxaafada kula hadlay garoonka nairobi waxana uu sheegay inuu xiligan isgu soogay xilka hogaanka sarre ee dalka soomaaliya inuu wax ka bedelo xaalada murugsan ee dalka soomaaliya, sidoo kale waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay soo dhawaynta loo sameeyey yaaasiin ciise ibraahim (darmaan) ayaa intaas kusii daray hada xaalada dalka soomaaliya ay maraso meeshii ugu fiicnahayd muddo 21sanno kadib ah maadaaba xaalada mustaqbalka soomalaiya gacanta loo geliyey odoyaash dhaqanka soomaaliyeed loona baahanyahay qof xiligan adag ka saari kara umada soomaaliyeed marxalada adag ee ay maraso.
Su’aal xasaafadu waydiisay oo ahayd in madaxa soomaaliyeed ay talooyinka ka qaataan waddamada dibada waxa uu kal bedelayo haduu hanto xilka hogaanka ugu sareeya ee dalka ayaa waxa uu uga jawaabay in arintaas ay tahay mid aan u danaynayn umada soomaaliyeed isna ay u qorshaynsan tahay inuu ku shaqeeyo rabitaanka shacabka soomalaiyeed midnimada iyo sharafka umada soomalaiyeedna yahay mid lama taabtaana.
Muadane yaasiin ibraahim ciise (darmaan) ayaa ka mid noqonaya siyaasihiin badan oo shaaca ka qaaday inay u taagn yihiin xilka hogaanka sarre ee dalka soomaaliya balse yaasiin ibraahim ciise (darmaan) waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta ugu aqoonta badan.
Halkan Ka Daawo Sawiro DheeriAh.
Diini C/laahi Maxamed {Xiddig}
Nairobi,Kenya
maansh alaah madaxweynaha somalia yasin ibraahim ciise wlc to somalia
waa u baahneyn madaxweyne dalkan iyo dadkan somaliyeed wax u qabta
waxaan kugu soo dhoweyneynaa gacmo furen madaxaweyne , noqo madaxweynahii gaarsiya horu mar dalkiisa iyo dadkiisa oo soo celiya midnimadii iyo sharaftii somalia
viv madaxweynah somalia yaasin ibraahim ciise darmaan guuleyso
ubax
July 16, 2012 at 3:02 pm
aaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiin aaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiin aaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiin yaasiin guul isha alaah
muuse
July 16, 2012 at 6:03 pm