Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Oo Sheegay In Si Wayn Loo Adkaynayo Amaanka Muqdisho Xilli Lagudo Gelayo Shirar Muhim Ah.

Filed under: Wararka |

Muqdisho(RT)Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa sheegtay inay ka feejigan tahay weeraro bisha Ramadaan inta lagu guda jiro Al-Shabaab ka geysato Magaalada Muqdisho, iyadoo ku dhawaaqday inay sugeyso ammaanka Shirka ansixinta Dastuurka ee maalinta berri furmaya.

Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay inay howl adag wadaan, si ay u xaqiijiyaan ammaanka xarunta shirka Ansixinta Dastuurka lagu qabanayo.

“Howl adag baa socda, waxaa ka mid ah Ciidamo gaar ah ayaa la diyaariyay oo roondooyin sameynaya, Ciidamo ayaa la dhigayaa 52-Isgoys ee wadooyinka Muqdisho, waxaa jira Ciidamo qarsoon oo magaalada ku dhex jira oo soo gudbinaya macluumaadka”ayuu yiri col.Khaliif Axmed Ereg.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la adkeeyay ammaanka wadooyinka soo gala xarunta lagu qabanayo shirweynaha Ansixinta dastuurka, gaar ahaan xarunta School Polizio.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay inay beegsaneyso cid kasta oo ka qeyb gasha shirka Ansixinta dastuurka, iyadoo digniino ku wajahan dastuurka qabyo qoraalka soo saartay.

Maalinta berri ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furmo shirka ansixinta Dastuurka, kaasoo ay ka qeyb galayaan ilaa 825-ergo oo ka kala socda gobolada dalka.

 

 

RealTaleex News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>