Muqdisho:-(RT)Shirka Ansixinta dastuurka ayaa goor dhow dib u furmay, kadib markii shalay cilad farsamo uu dib ugu dhacay, iyadoo muddo shan maalin u hartay Ergooyinka ka qeyb galaya shirka ee looga fadhiyo meel marinta dastuurka qabyo qoraalka.
Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in shirka diirada lagu saarayo qodobada dastuurka, kaasoo maalinimadii khamiistii loo qeybiyay ergooyinka.
Ergooyinka ayaa marka ay aqriyaan qodobada su’aalo weydiin doonaan Wasiirka dastuurka, iyo gudiga farsamada, waxaana jira qodobo u baahan in wax laga bedelo.
Khamiistii la soo dhaafay ayaa ergooyinka loo kala qeybiyey 10 koox oo kooxdiiba ka koobantahay 80 ilaa 100 ruux kuwaasi oo la rabo in loo kala qeybiyo dastuurka oo kooxda ay qeyb ansixiso.
Ergooyinka ayaa loogaga fadhiyaa in ay ansixiyaan dastuurka iyadoo waqtiga loo qabtayna ay ka harsantahay 5 Cisho oo keliya.
Realtaleex News Desk.