Nairobi(RT) Kulan aad U balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka jaaliyada khaatumo ee barriga afrika laguna sagootinayey mas’uuliyiinta maamulka khaatumo ee dhawaanahan ku sugnayd magaalada nairobi ayaa maanta ka dhacday hollka shirarka iyo xafladaha ee madina mall, waxaana kulan ka soo qayb galay ururka dhalinyarada kan haweenka iyo dhamaan jaaliyada barriga afrika ee khaatumo, sidoo kulan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan maamulka khaatumo.
kulan oo ay khudbado ka soo jeediyeen xubno ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha dhaliyarada khaatumo c/laahi aadan cali kaneec, afhayeenkii hore hogaankii ssc axmed maxamed xasan, oday cabdi quduf, eng c/jibaar xasan xaaji, gudoomiyaha garabka haweenka ayaan mahdi, hooyo canab xasan yare ayey dhamaantooda ku amaaneen mas’uuliyiinta khaatumo waxqabadkii baaxada balaadhanaa ee ay 6bilood tagtay ka qabteen arimaha siyaasada dibada xidhiidh dowlada dhexe iyo horumarka laga gaadhay gudaha sida dhismaha goroonka taleex, imtixaankii dugsiyada ee maamulka khaatumo qaaday, hirgelinta maamulka deegaanada iyo midaynta shacabka khaatumo,
Intaa Ka dib ayaa waxaa dasha ka hadlay wasiirka madaxtooyada khaatumo mudane mukhtaar ibraahim xabashi wuxuuna sheegay inay ku wahan yihiin magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya dhawaana ay uga sii gudbidoonaan magaalada taleex ee caasimada ku meel gaadhka ah ee maamulka,
Wasiirka xidhiidhka caalamiga ah iyo jaaliyada dibada maamulka khaatumo dr xuseen suleebaan dhegowayne ayaa dhalinyarada kula dardaarmay inay wax bartaan kana qayb qaataan horumarka deegaanadooda,
Musharax yaasiin ibraahim ciise darmaan ayaa shirka kasoo jeediyey khudbad aad uu qiimo badan oo uu kula dardaarmayey wasiiradii kulanka joogay iyo dhamaan shacab waynaha khaatumo.





















Diini C/laahi Maxamed{Xiddig)
RealTaleex News Desk