Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo.

Filed under: Maqaallo |
UK:-(RT)Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)
guul qiimaheedda leh,maqaamkeeda leh farxadeedda leh
Somaalinimo ku saleeysan in Calanka Qaranka Somaliyeed
ka dhex muuqdo kulanka ciyaaraha aduunka ugu weyn.
http://youtu.be/HV3wzTInSI8

Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab muwaadiin dhiigeeysa iyo
dhuuxiisaba dareenka wadaniyadeed,dariimka qarameed iyo
qiiradda dal jaceylba waxaa si aan la soo koobi kareeyn
ii farxad geliyeey si weyna kor ugu sii qaaday niyadeeyda
Ciyaartooyda Somaaliyeed oo ka qeyb gelaaya tartanka hada
ka socda London(Olambikadda 2012)gaar ahaan dareenka iyo
qiiradooda wadaniyadeed oo eey ku soo bandhigeen Universal
laga soo daayeey una daadihinaayeey weriye sare-Ridwaan oo
ku lifaaqan qormadan kooban.
http://youtu.be/6B1UkG6iaOQ
Zam-zam iyo Maxamed waa labo halyeey oo somaaliyeed kuna
muteeystay xurmadaas helyeeynimo soo nooleeynta sumcadda,
Kaalinta iyo karamadda Magaca Somaaliyeed oo muddo dheer
astaan u ahaa dhanka xumaanta,ceebta iyo dhiig daadiinta
iyo guud ahaanba astaamaha sifooyinka xun leh,balse aduunka
dib u soo xasuusiyeey waayihii iyo sawirka dhabta ah(Calanka
iyo Qoomiyadda Somaaliyeed leedahay)waxaa xusideeda mudan oo
qof walba oo damiir,dareen iyo dadnimo leh dareemay biseylka
qof ahaaneed iyo wadaniyadeed ee Halyeeyad Zam-Zam oo tilmaan
iyo tusaale wanaagsan u ah dhalinyarada somaaliyeed,kalsoonida
ka muuqata Halyeey-Maxamed,barnaamijka maxay kula tahay martida
ku ahaayeen labadaas Orodyahan ayaa dadka somaaliyeed si dareen
wacan leh,somaalinimo leh,walaalnimo leh ugu cabireen shucuurta
iyo niyad samidooda waana arin tusaale fiican ah,ilmada,qiirada
iyo shucuurta weyn oo laga arkaayeey Zamzam ayaa ka turjumaayeey
qiimaha qaran-nimadda,dowladnimadda,nabadgelyadda,maamul wanaaga
iyo jiritaanka qarameed qiimaha iyo mudnaanta u leeyahay,hadalada
Zam-Zam iyo Maxamed ayaa ku saleeysnaa xaqiiqada dhabta ah oo ka
jirta dalkeena hooyo iyo qiimaha uu leeyahanba iyo sida maanta
aduunku uga heysto sawir fool xun,cebtiisa iyo sharf xumadiisa leh
waana arrin ayaan daradeeda leh masuuliyadeeda Ummada Somaliyed
leedahay,ZamZam iyo Maxamed guushii waad soo hooyseen waadna ku
amaanan tihiin,Mahad celin,bogaadiin iyo milgo gobeed gudooma,
Gudiga Olambikadda Somaaliyeed Amaan iyo dhiirigelinba mudan,
sidoo kale Halyeey-Qaran-Cabdi Bille Cabdi Wadaniyad maqaam sare
iyo astaan Somaalinimo.

Waxaan u soo jeedinaayaa Jaaliyadda Somaaliyeed ku dhaqanka UK
soo dhoweeynta,maamusida iyo gudashadda kaalintooda sharafeed oo
Marti gelinta iyo xurmo maamuska Zamzam,Maxamed Halyeey-Cabdi Bile
iyo Gudigga Olambikadda Somaaliyeed,Weriye Sare-Ridwaan amaan.

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -sharifhassan50@hotmail.co.uk -Jull-31-2012. 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>