Caalin Oo eedeynKulul Ujeediyey Shirkada Dhigshiil.

Filed under: Wararka |

Nairobi:-(RT)Madaxweynahii talada Gal-mudug laga qaaday ayaa waxa uu dhaliil xoogan u soo jeediyay Shirka Xawaaladda Dahabshiil oo gayi walbo oo dhulka Soomaaliya kamid ah ka shaqeeysay.

Madaxweynaha Galmudug State Maxamed Axmed Caalin oo Wareysi siinayay laanta Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu marka hore ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug State Maxamed Axmed Caalin ayaa waxa uu sheegay inuusan marnaba aqbali doonin doorasho walbo oo Galmudug ka dhacda ilaa inta uu isaga ka imaanayo.

Caalin waxa uu been iyo wax aan jirin ku tilmaamay Doorasho shalay ka dhacday Galmudug oo Madaxweyne cusub loogu soo doortay Taliyihii hore ee Booliska dowladda KMG Cabdi Qeybdiid.

Isagoo Nairobi jooga ayuu Madaxweynaha Galmudug State sheegay in Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ay kamid tahay wax sii hurinaaya Dabka ka shidan Masuuliyiinta Galmudug, waxa uuna ugu baaqay hooshooda in ay gartaan.

 

Halkan Ka dhegayso.

 

Realtaleex News Desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>