Mahiga ,Labada Shariif iyo Gaas oo khiaaf ba’ani soo kala dhexgalay.

Filed under: Wararka |

Muqdisho:-(RT)Waxaa shalay Hoolkii ay ka dhacaysay Xafladii Xiritaanka Shirkii Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka Soomaaliya mar qura uu is qab qabsi iyo is eedeen uu soo kala dhax galay Sadaxda Masuul ee ugu sareysa Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Kaabe Mahiga.

Arinta la yaabka leh ayaa dhacday kadib markii Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augutine Mahiga Xili Qudbad jeedinayayauu Madaxda Srae Dowlada gaar ahaan Labada Shariif iyo Gaas ugu baaqay in ay faraha kala baxaan soo xulitanaka Baarlamaanka Cusub ay kuwadaan Qaabka Musuq maasuqa ah iyo is jiid jiidka .

Hadalkaasi Mahiga sheegay ayaana waxaa si aad ah uga carooday Sadxda Masuul ee ugu sareysa Dowlada KMG ee Soomaaliya iyadoo xitaa dhacday markii Mahiga hadalkaasi iyo hadalo kulul oo kale uu ku weeraray Madaxda Dowlada laga damiyay Mikrifoonkii uu ku hadlay.

Marka ay dhacday taasi ayaana sababatay in Mahiga uu Shirka ka baxo hasa ahaatee waxaa dood iyo is qab qabsi kadib dib Xafladii dib ugu soo laabtay Agoustine Mahiga oo halkiisa Qudbada kasii watay isagoona mar kale ugu baaqay Madaxda Dowlada in la ixtiraamo heshiisyadii Road-mapka haweenkana la siiyo tiradii lagu heshiiyay ee aheed %30 hadii la waayana tasai ay keeni doonto in iyagu soo xulaan haweenkaasi.

Sadexda Masuul ee Dowlada ugu sareeya ee kala ah Labada Shariif iyo Gaas ayaana wajigooda laga dareemay caro iyagoona ka xanaaqay hadalada Canaaata ah ay kala kulmeen Saaxiibkood Mahiga oo ku qarxiyay barnaamij ay si hoose ugu hoolanaayeen.

Madaxda Dowlada ayaana lagu eedeenayaa ain ay qas ka dhax wadaan soo xulista Baarlamaanka Cusub iyagoona lacago badan ku bixinaya in Baarlamaanka lagu soo daro rag iyaga saaxiib la ah ayna is fahmi karaan kuwa aysan dantooda ka heleyna ay ka hortagaan in xildhibaano noqdaan.

Isku soo wada duuboo 3da Nin ee ugu sareeya Dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa xafladan xidhitaanka kadib u dhoofay magaalada Naironi ee Xarunta wadanka Kenya halkaasi oo ay beri(Jimcaha)kula kulmidoonaan Xoghaya arimaha Debedda maraykanka Hillary Clinton halkaasi oo dad badani saadaalinayaan in lagula talindoono inaanay isu soo sharixin dawlada cusub.

 

Realtaleex News Desk. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>