Banaanbax Lagu Xusayo Sannad Guuradii 1aad Ee Markii Alshabaab Muqdisho Ka Baxday oo Maanta Ka Dhacay Halkaas.

Filed under: Wararka |

muqdisho(RT) Banaanbax ballaadhan oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya, laguna xusaayey sanad guuraddii koowaad ee kasoo wareegtay ka bixitaanka Al shabaab ee Muqdisho ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa oo ah mid aad u ballaadhan ayaa waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu ka dhacay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Dibadbaxayaasha ayaa markii dambe isugu tegay garoonka kubadda cagta ee Coonis halkaasi oo ay kula hadleen masuuliyiinta Dowladda oo uu kamid ahaa madaxwayne shiriif.

Masuuliyiinta madasha ka hadashay ayaa soo dhoweeyey sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay maalintii ay Al shabaab ka baxeen fadhiisimo muhiim ah oo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Shariif oo khudbad dheer u jeediyey dadka banaanbaxa dhigaayey ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda amni ee magaalada, waxaana uu qiray in ay jiraan dhibaatooyin dhanka amniga ah, balse waxa uu codsaday in gacan laga siiyo sidii looga gudbi lahaa dhibkaasi.

Madaxweynaha ayaa fursad muhiim ah waxa uu ku tilmaamay in Al shabaab laga saaray guud ahaanba magaalada Muqdisho, iminkana uu dagaalku banaanka uga baxay magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda soomaaliya  waxaa kale oo uu ka hadlay xilliga kala guurka iyo sedka ay haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka cusub, waxaana uu ku tilmaamay mid lagama maarmaan ah, isaga oo sheegay in aysan jirin cid ku xad gudbi karta xuquuqda haweenka ay ku leeyihiin Baarlamaanka cusub.

“Ma jirtaa cid oran karta Hooyadeey xil ma qaban karto, majirtaa nin aan walaashiis u ogoleyn in ay xil qabato, ma jirtaa ruux diidaya in eedadiisa ay wax noqoto, jawaabta waa maya, Haweenku waa kuwaa ee hala siiyo Kuraastooda”, ayuu yiri Sheekh Shariif.

Banaanbaxa lagu xusaayey sanad kadib maalintii ay Al shabaab ka baxeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa barbbar socday ololaha doorashada madaxwayne shiiif noqonaaya kii ugu ballaadhnaa ee muddooyinkan ka dhaca magaalada Muqdisho.

 

 

RealTaleex News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>