Baaq,qaabka soo xulida Xildhibaanada cusub.
UK:-(RT)Ku:-Odayaasha Dhaqanka Somaaliyeed.
Ku:-Gudigga Farsamada Xulida Xildhibaanada.
Og:-Golaha Culimaa-udiinka Somaaliyeed.
Og:-Ururadda Bulshadda.
Og:-Xisbiyadda Siyaasadeed.
Og:-Aqoonyahanka iyo Waxgaradka damiirka Leh.
Og:-Madaxdda Sarre Dowladda Somaaliyeed.
Ujjeedo:-Qaabka Soo Xulidda Xildhibaanadda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaalada
oo mudnaanta koowaad siinaaya danta guud iyo masiirka Ummada
Mudada dheer ku soo jirteey rafaadka,colaada,dagaalka dhiiga
badan lagu daayeey,ku xadgudubida xoriyadooda iyo xuquuqdooda
iyo boobka hantidoodaba waxaanu halkan baaq ahamiyadiisa leh
uga soo gudbineeynaa Odayaasha Dhaqanka xurmadooda leh in eey
ka digtoonaadaan eexda,cadaalad daradda,qof jecleysiga iyo
taageero siinta shakhsiyaadka loo aaneeynaayo fal demiyeedka.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ku adkeeynaayaa Odayaasha
Dhaqanka,cuqaashada iyo waxgaradka beelaha somaaliyeed in eey
soo xulaan shakhsiyaad leh qiimo qarameed,damiir nool,dameen
wadaniyadeed,aqoon iyo xilkasnimo oo u qalma metelaadooda iyo
metelaada xurmadda xildhibaanimo,kana taxadiraan soo xulidda
shakhsiyaadka ku sifoobeey dhiig daadiinta,colaada,qabyaalad
ku dhaqmida,kuwa la wada yaqaan oo eedeeysanayaasha ah(kooxda
Qab-qablayaasha iyo Dagaal Oogayaasha).
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si cad ugu digaayaa kuwa ama
Kooxda lagu sheego saxiixayaasha oo fara-gelinta weyn ku haya
habka soo xulidda Xildhibaanada iyagoo daba ka riixaaya kuwo
dano gaar ah eey ka leeyihiin blse aan u qalmin maqaamka iyo
xurmadda Xildhibaanimo iyagoo gacan siin ka helaayo gudigga
Farsamada oo awalba shaki weyn ka jiray ujeedadii ka dameeysay
magacaabidooda,lama aqoonsanaayo Xildhibaan aan wadan saxiixa
iyo kalsoonida Isimkiisa iyo Beeshiisa.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed xaq difaacaha,xurmo illaaliyaha iyo
wanaag taagerahu wuxuu halkan ku cadeeynaayaa in eey tahay wax
si weyn looga xumaado ayaan daradeed leh,dhawaacadeeda qaran
leh isla markaana fadeexad labaad ku noqonaayaa Xukuumada hada
jirta oo awalba musuqmaasaq xad dhaaf ah ku eedeysaneyd in eey
mar kale ku kacaan dhaqan xumada iyo musuqmaasaq gelinta howsha
xulida Xildhibanada Barlananka cusub(Laaluush qaadasho)iyo fara
gelinta masuuliyadda odayaasha dhaqanka.
Dhaqdhaqaaqa Somaliyeed oo si weyn u dhoowraaya saamiga haweenka
Somaliyeed una aqoonsan Haweenka laf-dhabarka qoys iyo qarankaba
amaan iyo bogaadin halkan uga soo gudinaya,waxaana ka digeeynaa in
la dudsiyo,la boobo ama loo diido Haweenka Samigooda ah 30%,anagoo
maqleeyna codad dhaareer oo diidan in beelahooda Haweenka saami ka
helen taasoo dhinac marsan qodobada Dastuurka isla markana ah dulmi
cad iyo dembi laga gelaayo Haweenka Somaliyeed oo waqtigan ka karti
badan,damiir iyo dareen wanaagsan raga,kana daacadsan marka dhinac
walba laga eego,waxaana tusaale ku filan:-Xildhiban-Caasha X.Cilmi,
Xildhibaan-Caasha Ahmed Cabadlle,Faadumo C/Laahi Qayaad oo ah kuwa
ugu karti badan,daacadsan uguna wadanisan Xildhibaanada hada jira,
inkastoo Xildhibaano rag ah oo dareen wadaniyadeed lehiba jiraan:-
Proff-Dalxa,Ustaad-Cawad Cashare,Proff-Ilka Dahab,Maxamuud Geedi,
Xidig,Gaadh-haye,Cumar Isloow iyo kuwo kaleba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxaan ku war-gelineeynaa Bulsho-weynta
Somaaliyeed in aanay ogolaan hadii Xildhibaanimada loo soo xullo
Shkahsiyaad magac xumo,dhaqan xumo iyo dhaliilo ama eedeeyn falal
dembiyeed leh waana la wada yaqaan qas-wadayaasha iyo kooxaha dhibka
mudada dheer shacabka ku hayeey(Nin Xun soo dhoweeyn ma Mudna).
-Amaan iyo Bogaadiin Farshaxanka Qaranka halyeey-Amiin Caamir.
-Xafiiska Afhayeenka Guud:- -Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda. -Aug-05-2012.