Uganda oo Ciimado Cirka ah u dirtay Somaliya.

Filed under: Wararka |

Muqdisho:-(RT)Wararka naga soo gaadhaya xarunta Ciimadada AMISOM ee Muqdisho ayaa tibaaxaya inay halkaasi soo gaadhayaan saraakiil ciidan oo u badan kuwa Cirka,Waxeyna sheegtay Dawlada Uganda in Ā Saraakiishaani in ay Tiradoodu ay gaareyso 28 sarkaal iyadoo ay sheegeen Dowladda Uganda in hubka Diyaaradaha Dagaalka ay wataan saraakiishaani si ay uga hortago in la carqaladeeyo Doorashooyinka Soomaaliya ee Bishan August ka dhacaya Muqdisho.

Madaxa Ciidamada difaaca Dalka iyo Uganda General Aronda Nyakariima iyo Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada cirka Dalka Uganda, General, Jim Owesigiri ayaa Warbaahinta si wada jir ah ugu sheegay in Saraakiisha dhinca Cirka ee dowladda Uganda wax badan ay ka badali doonaan Amaanka magaalada Muqdisho.
General Aronda Nyakariima ayaa Tibaaxay in Saraakiisha ay ku howlgali doonaan Helicoptero AMISOM ay leedahay kuwaas oo si gaar ah ula socondoona amaanka Xarumaha ay ka dhacayaan shirarka caalamiga ah ee magaalada Xamar.
Waa fursad hadda kadib AMISOM ay u heleyso inay sugto Amaanka Muqdisho, ,iyadoo isticmaaleysa Helicoptero”ayuu ka dhawaajiyay General Aronda Nyakariima.
Generalkaani u dhashay dowladda Uganda ayaa ku daray hadalkiisa in ay ku Dadaalayaan sidii Soomaalida ay uga gacan siin leheyda Talaabo waliba oo lagu la Dagaalamayo waxa uu ugu yeeray Argigixisada .
imaanshaha Ciidamada Cirka Dowladda Uganda ee Muqdisho ayaa ku soo aadeysa Xilli muddooyinkii la soo dhaafay AMISOM ay heleysay Ballanqaadyo ku aadan in la siinayo Diyaarado Dagaal oo ay kula dagaalaan Xarakadda Al-Shabaab.
Realtaleex News Desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>