Jigjiga:-(RT)Kulankii ugu danbeeyay ee ay yeesheen Golaha Wasiirada DDSI(Capinet) ayaa go’aamadii ka soo baxay waxaa kamid ahaa hirgaalinta dhismaha Taalada
Taalada maamuuska Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ah taalo qaali ah lagana yagleelayo Badhtamaha caasimada deegaanka Soomaalida Itoobiya ee magalada jigjiga, halgamagii wayna hogaamiyhii darawiishta ee hormuudka ka ahaa halgankii hubaysnaa ee lagaga hortagayay isticmaalkii reer galbeedka allaha u naxariiste sayid maxamed cabdile xasan oo ahaa muwadiin u dhashay DDSI,balse kuna dhashay kuna barbaaray Carra dhulbahante ayaan sidii uu ka mudnaa Xukuumadihii soo jireenka ahaa aynan uga hawlgaliin xusida iyo weynaynta taariikhdii iyo sooyalkii SMCXS ayaa lagu dhaafi karaa oo kaliya dayaci iyo cagajiidkii badnaa ee baylah tirtay xukumadihii majaraha u hayay maamulka deegaanka soomaalida oo ay la mid ahaayeen Kabe Tole Kabihiisaa la eegaa iska daa in ay Soo nooleeyaan Taariikhdii Sayidkee Daryeel fiican kamaynan helin Shacabka DDSI ayuu yidhi madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar mar uu u waramayay warbaahinta Deegaanka Soomalida Itoobiya.
Isagoo hadalkiisii sii wata ayuu Madaxweynuhu tibaaxay in ay guud ahaanba itoobiya ku faanayso in uu ahaa wadani halyaySayid Maxamed Cabdulle Xasan, gaar ahaana Deegaankeena oo uu u dhashay SMCX buu yidhi madaxwaynu, taasina ay noo tahay guulo iyo horumar-taariikheed oo ay ka gaabiyeen Xukuumadihii soo jireenka ahaaa,islamarkaana haboonayd in xili hore loo yagleelo Dhisida Askumida Taaladan sayidka.
Balse xukuumada maanta Jirta ayaa Aqoonsan taariikhdii SMCX kuna faanaysa Taariikhdii Sayidka iyo Daraawiishtii,islamarkaana u aqoonsatay wareega wadada Badhtamaha Magaalada Jigjiga Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo laga Dhisayo Taalada SMCX,oo ay ku baxayso Miisaaniyad badan ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Sidoo kale waxaa go’aankaas ay xukuumadu ku go’aamisay Dhisida Taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan Magaalada Jigjiga qayb ka ahaa Go’aamo kale oo ay ka mid ahaayeen in goobo loo dalxiis tago laga hirgalinayo goobtii uu ku geeriyooday allah u naxariiste S.M.C Xasan ee buurta sarmaan ee Degmada iimay-galbeed,goobtaas oo laga samayn doono mashriic isugu jira Guryo ay u dhamaaystiran yihiin Dhamaanba Qalabkii oo ay ku hooydan dadka dalxiisayaasha ah iyo ka Samaynta Goobtaas Madxaf ay ku dhamaystiiran yihiin kaydka Sooyalkii taariikheed ee Sayid Maxamed Cabdule laguna & waliba taalo ayaa ah hawlghalinteeda oo ay xukumadu u bandhiigtay qurbo joogta u dhalatay xukumada deegaanka loona furayo accountiiyo adinayaan lagacaha loogu tala galay.
Dhanka kale Shirkan lagu Gorfaynayay Dhisida Taalada SMCX iyo Sooyaalkiisii Taariikheed ayaa waxaa isna dhankiisa ka hadlay Madaxa Xafiiska Wakaalada Maalgalinta ahna gudigii loo xilsaaray hirgalinta taalooyinkan Mudane C/naasir Maxamed Aadan oo warbaahinta uga warbixiyay halka ay wax u marayaan hirgalinta go-aamadan dhismaha taaladan iyo waliba madxafka lagu kaydiyo taariikhdii iyo sooyaalkii-taariikheed ee sayidka isaga oo sheegay masuulku in taalada laga dhisayo magaalada jigjiga hirgalinta miisaaniyada ku baxaysana ay bixinayso xumuumada DDSI, halka madxafka lagu kaydinayo Sooyaalkii-taariikheed ee sayidkana laga hirgalinayo dhismihiisa magaalada Iimay-Galbeed Buurta Sarmaan oo ah meeshii uu ku geeriyooday sayidku,taasooy dhismaheeda hirgalinayaan Qurbo- joogta u dhalatay Deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale Mudane C/naasir ayaa carabaabay in Goobta Madxafka Sooyaalkii-taariikheed ee SMCX laga hisayo oo ah Buurta Sarmaan ayaa laga dhisi doonaa Madxaf wayn oo ay ku idil yihiin Dhamaanba Agabkii iyo Sooyaalkii Taariikheed ee SMCX iyo Daraawiishtii,sidoo kalana waxaa laga dhisi doonaa Guryo waawayn oo casri ah oo ay isticmaalaan hadba Dalxiisayaasha Booqda goobtaas si ay ugu nastaan ayuu yidhi.
Mudane c/naasir ayaa ku daray hadalkiisii in la soo ebyay Desingkii Taalada SMCX yeelan doonto iyo Qaabkii looga dhisi lahaa Taalada Sayidka badhtamaha Magaalada jigjigaba.
Dhanka kale qaar kamid ah qurba joogta tirada badan ee ku sugan wakhti xaadirkan magaalada jigjiga oo uu wariyaha Cakaara wax ka waydiinay go’aanka xukumadu u soo bandhigtay ee ku aadan Samaynta Taalada SMCX Magaalada Jigjiga iyo Madxafka Kaydka Sooyaalkii-taariikheed ee Sayidka ee laga Dhisayo Buurta Sarmaan Iimey-Galbeed sida ay u arkaan,ayaa ay Muujiyeen dareenkooda Farxadeed ee ku aadan Go’aanka Xukuumadu ku Qaadatay Samaynta Taalada iyo Madxafka SMCX,islamarkaana Bogaadiyay Dadaalka Muqda ee ay ku dardargalinayso Soo noolaynta Taariikhdii DDSI ee la marin habaabiyay.
Qurbajoogta ayaa balanqaaday in ay Doorfirfircoon ka Qaadan doonaan wax kasta oo ku aadan Hirgalinta go’aanka xukuumada,islamarkaana ugu baaqay dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol iyo 68da Degmo ee uu Deegaanku ka kooban yahay meelkasta oo ay joogaanba in ay guntiga u xidhaan Hirgalinta Go’aanka Qaranimo ee ay Xukuumada DDSI ku go’aamisay Dhismayaasha Taalada SMCX ee Magaalada Jigjiga iyo Dhismaha Goobta Dalxiiska Iimey-galbeed ee lagaga Dhisayo Madxafka Kaydka Sooyaalkii-taariikheed iyo Agabkii Daraawiishta ee Buurta Sarmaan oo ah Goobtii uu SMCX ku geeriyooday.
Halgankii Qadhaadhaa ee uu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan la Galay Isticmaaradii Reer-galbeedka ee Ingiriiska iyo Talyaaniga,isagoo Samaystay Daraawiish oo Cudud Ciidan lahayd ayaa leh Goobo badan oo lagu Aqoonsado Dagaaladii Qadhaadhaa ee dhex maray Daraawiish iyo Isticmaarkii Reer-galbeedka,waxayna ahaayeen SMCX iyo Daraawiishtiisii Ciidankii ugu horeeyay ee Afrika diyaarado lagu weeraro”Coomaadi Duulayay Cadan ka keeneene,Cirkii iyo dhulkii baa isqabsaday Cadhadhacdoodiiye” waa tuu yidhi SMCX.
Isku soo wada duuboo taariikhdii Daraawiishta iyo hogaamiyohoodii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ayaa laga xusaa meela badan oo ay ugu horeyso xaruntii daraawiishta ee Taleex
halkaasoo Sayidka loogu magac daraygaroonka diyaaradaha ee magaalada taariikhiga ah eeTaleex,sidoo kale ayaa waxaa lagawadaa qorshe lagaga dhisayo Taleexx taalo tan Jigjiga lami ah oo lagu maamuusayo Sayidka iyo daraawiishtii.
Realtaleex News Desk.