UK:-(RT)Qof kasta oo Bini Aadam ahi, wuxuu yeelan karaa tabasho iyo rabitaan u gaar ah, waana arin iska caadi ah, hase yeeshee qofka damiirka iyo dadnimada u saaxiibka ahi, wuu ka tanaasulaa tabashadiisa iyo rabitaankiisa, marka ay ka hortimaado danta guud ee dadkiisa iyo ehelkiisa, ayna u horseed karto is khilaafis, ceeb iyo kala qaybsanaan, ay ka faa’iidaystaan inta cadawga u ah, ee diidan rabitaankooda iyo
In ay aayahooda ka tashadaan, wuxuuna u soo noqdaa waxa inta badan dadkiisa iyo ahalkiisa rabitaankoodu yahay, siiba markuu yahay madaxii ama hormoodka dadkiisa.
Waan taas tan uu maanta Suldaan Siciid sida geesinimada ah ugu kacay inuu ceeb iyo is xagxagasho u soo jiido beeshiisa, wuxuu ka doortay in uu iyaga u tanaasul, oo sharaf iyo karaamo u horseedo, dhexdoodana magac iyo maamuus ku lahaado, wuxuu ka fogaaday, oo iska beri yeelay inuu ku dhaqmo ficilka xun ee gunimada ah, ee ay kula dhaqmayaan tolkooda labada oday, ee uu Faroole, oo cadaw u ah beesha Khaatumo jiritaankeeda, dabada ka wado, ee sidii gunta u ficishamaaya, oo dhabarjebinta ku haya beeshooda iyo ahalkooda, waa Ina Xaji Cumar Camay iyo Ina Dabagooye, kuwaas oo ka dhega adaygay, waanooyinka iyo talooyinkii Ay u soo jeediyeen beeshoodu iyo jifiyahooda hoose, kana doorbiday in ay horgalo u noqdaan faroole iyo maamulkiisa, ceeb iyo ixraajna u soo jiiday dhamaan beesha Khaatumo Khayr, ee sharafta iyo karaamada u saaxiibka ah.
Hadaba, Suldaan Siciid Cismaan Cali Allaah ha dhowree, wuxuu si geesinimo iyo sharaf ah, ugu hogaansamay talooyinkii jifidiisa hoose ee Khaalid Habarwaa, iyo dhamaan beeshiisa Guud ee khaatumo khayr, wuxuuna xumaanta iyo tolkiis oo ay is xagxagtaan ama ceeb debeda uga soo jiido, ka door biday in uu shacabka uu hogaamiyaha u yahay u tanaasul, oo sharaf iyo qaderin kula dhex noolaado, waana calaamada ama tilmaamaha lagu garto hogaamiyaha wanaagsan, iyo Isimka qaderinta iyo sharfta mudan.
Sidaas owgeed waxaan Suldaanka u soo jeedinayaa hambalyo iyo bogaadin aan la soo Koobi Karin, iyo duco la mid ah tii uu ugu duceeyay halyay Maxamuud Shiikh Cumar agaasimaha wasaarada arimaha gudaha, ee maamulka Khaatumo state ee barakaysan.
Waxaan kale oo bogaadin taas la mid ah u soo jeedinayaa ahalkayaga Khaalid Habarwaa yar iyo wayn, iyo dhaamaan intii dedaalkaa ka qayb qaadatay, maamulka Khaatumona waxaan ku boorinayaa in ay si dhab ah, wax uga qabtaan
Tabashada Suldaanka hadii ay weli jirto, wuxuun tabasha ah oo uu qabo. Ugu dambayn waxa budhcada SNM beryahan koolkoolinayeen horgale Xagla Qaloocshe, iyagoo naf biday, nin dadkiisiiba waxaba ku aamini waayeen, lacagta ay ku kharash garaynayaan uun baa Allaah ka luminayaa ee, ma jirto wuxuu ku soo kordhinayaa haba yaraatee, waqti aan sidaas u fogayna, guntay soo taabanayaan, isna wuxuu mari oo Ku dambayn, halkii uu maray saaxiibkii Kayse Cabdi, isba wax hadal haya ma maqalo beryahakan, markay xaqiiqadiisa ogaadeen.
Waxana bogaadin iyo hambalyoba u dirayaa waxgaradka, odayaasha iyo dhamaan shacabka reer Buuhoodle ee Khaatumo khayr, sida wanaagsan ee ay isaga fogayeen, is bahdilka iyo ficilka xun ee uu ku kacay horgale Xagla Qaloocshe. Khaatumona way jiraysaa oo waa galbatay, liicina mayso siduu sheegay Madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) , bal dadku wuu kala baxayaa, oo kala safoobayaa, waxana Khaatumo khayr ku soo hadhi doonta inta badan ee wanaagsan, ee karaamada iyo sharfta u saaxiibka ah, ee ka naxow nafta waa, hadaad necebtahay iyo hadaad diidan tahayba waad ku sandulaysnaan.
Wabillaahi atowfiiq
Email: almutawaadic@yahoo.com