Muqdisho(RT)Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, iyagoo ka wada hadlay shaqada Gudiga farsamada ee soo xulida Baarlamaanka iyo dhameysrirka Marxalada KMG.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Gudiga TSC-du ay shaqadoodu tahay kaliya inay hubiyaan in xubnaha baarlamaanku ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyay (criteria), shirarkii Garowe, Galkaacyo, Adis Ababa iyo Nairobi.
“Waxaan isla garanay in 20-ka Agoosto marka loogu yaryahay Baarlamaanka aan heysano, heshiisyadii Garowe, Gaalkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi in la ixtiraamo, guddiga farsamadu waxay leeyihiin inay criteria-da dadka u fiiriyaan, awood intaas ka baxsan malaha, hadday wax khilaafa yimaadaana guddiga odayaasha ah ee u xilsaaran ayaa iska leh” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali karin in shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay baarlamaanka ka mid noqdaan, waxaana hadalkiisa u muuqday mid aad uga biya diidnaa soo celintii ilaa kontanka Xildhibaan ee Gudiga Farsamada ay soo celiyeen.
“Waxaan ka wada hadalnay in aysan jiri karin lana aqbali karin in qof ama shaqsi ama koox la bartilmaameedsado, wax walbana ay ku dhammaadaan sidii loogu talo galay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Mar saxaafada ay weydiisay in baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay inaan la siyaasadeyn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta inuu buuxiyay wixii lagu heshiiyay.
“Marka la rabo qof in la eedeeyo waa in maxkamad caddaalad ah ay xukuntaa, marka qof ay maxkamad caddaalad ah xukuntay ma jiraa oo la dhihi karo dambiile waaye, waxaa laga hadlaayayna waxay ahaayeen dambiilenimo, marka waxaa la rabaa inaan la siyaasadeyn oo qorshaha sida uu yahay loo wado” ayuu yiri Madaxweynaha.
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahiga oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in masuuliyadda soo xulidda baarlamaanka ay leeyihiin kaliya odayaasha dhaqanka, isla markaana aan la aqbali karin in si gaar ah loo bartilmaameedsado shakhsiyaad ama dad gaar ah.
“Waa odayaasha dhaqanka kaliya, kuwa iska leh masuuliyadda magacaabidda 275-ta xildhibaan, sida madaxweynuhu sheegay ma jiri karto wax qof bartilmaameedsi ah, tanina waa waddada kaliya ee horay loogu soconayo” ayuu yiri Danjire Mahiga oo sheegay in madaxweynaha uu leeyahay hoggaaminta dhammeystirka marxaladda KMG ah.
Gudiga farsamada ayaa horay awood ugu lahaa inay hubiyaan shaqsiyaadka loo soo gudbiyay iyo shuruudaha ay soo buuxiyeen, waxaana intii ay ku guda jireen howsha xulida ay dib u celiyeen liisas ay Odayaasha u soo gudbiyeen, taasoo ay dib u dhac ku keentay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo xulo Baarlamaan cusub.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Gudiga Farsamada ay soo bandhigeen liiska Xildhibaanada cusub, waxaana hada ay gacanta ku hayaan in ka badan 200-xubnood oo ay ku jiraan xubinii ay dib u celiyeen oo Odayaasha dhaqanka ay iyana soo celiyeen mar kale
Wixii ku soo kordho kala soco wararkeena dambe



Madaxwayne shiriif, mahiga iyo dr abdikarem xasan jaamac


RealTaleex News Desk