Taleex:-(RT)Asslaamu Calaykum,Ciid wanaagsan dadweynaha muslimiinta gaar ahaan bulshaweynta Soomaalida meelkasta oo aad joogtaan waxaanu idin leenahay Ciid wanaagsan.
Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha bahda Realtaleex waxay idiinku hambalyaynayaan ciid wanaagsan waxaanuna ilaahay idiinka baryaynaa ciida ciideeda inuu caafimaad,cibaado iyo farxad inagu gaadhsiiyo dhamaanteenba.
Ilaahay (Sw)waxaanu inooga baryaynaa inuu inaga aqbalo camalkii ramadaanka waxaynu soo soonay 30Ramadan waxaynuna joognaa maalin kamid ah maalmaha ugu qiimaha badan dadka muslimiinta ah.
Ugu danbayntii waxaa dhamaan laga ciidayaa wadamada Islaamka ee daafaha aduunka iyadoo aan loo kala hadhin ,gaar ahaan magaalooyinka Soomaaliya ayaa iyana dhamaan laga ciidayaa,badiba waa lawada ciiday iyadoo aan loo kala hadhin,dhowaan hadii ilaahay idmo waxaan idiin soo gudbin doonaa sida looga ciiday magaalooyinka Soomaaliya iyo magaalooyinka Soomaalidu ku nooshahay ee wadanka debediisa,Sawiro,Video iyo codad hadii eebe yidhaahdo.
Realtaleex News Desk.


