Muqdisho:-(RT)Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay xarunta AMISOM ee Xalane ayaa waxa uu ka hadlay soo xulista Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo doorashada soo aadan.
Mahiga waxaa kale oo uu ka hadlay wakhtiga ay dhacayaan doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa iyo tan Madaxweynaha, waxaana uu carabka ku dhuftay in rajo weyn laga qabo in sida ugu dhaqsaha badan loo guda galo doorashooyinkaasi.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa hadalkaan waxa uu ka jeediyay kulan ay magaalada Muqdisho shalay ku yeesheen wakiillo ka socda waddamada beesha caalamka ee daneeya Soomaaliya.