Maxaa ka soo baxay kulankii xasaasiga ee xalay ka dhacay Madaxtooyada (Warbixin).

Filed under: Wararka |

Muqdisho:-(RT)Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shir gudoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay ammaanka iyo siyaasada, iyadoo ay ku egtahay maanta mudadii loo asteeyay in lagu soo gaba gabeeyo Xilliga KMG.

Inkastoo kulanka ahaa mid deg deg ah oo ay labaabada u xirnaayeen ayaa goor dambe waxaa shir jaraa’id qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Andrew Gutti oo ay ka wada hadleen xaalada uu marayo dalka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Hey’adaha amniga dowladda, sida Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha AMISOM iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in kulankan ujeedadiisa aheyd sidii loo qiimeyn lahaa xaaladaha nabadgelyo iyo mida siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay inay mugiim tahay in fursad la siiyo nabadgelyada.

“Waxaa isugu nimid inaan qiimeyno Xaalada ammaanka iyo siyaasada, anagoo fiirineyna nabada, ujeedadeena tahay in la xoojiyo, in aan la dhibaateyn wax kasta oo nabadgelyo ah, waxyaabaha siyaasiga ah ee nabada taaban kara in lagu dadaalo xalkooda”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo hadalkiisa u muuqday mid taxadar ka muujinayay wixii ka dmabeeya 20-ka Agosto in aanay xaalada isu bedelin fowdo iyo jahwareer.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada jirta awgeed muhiim tahay in la xusuusto marxaladaha dalka iyo shacabka Soomaaliyed la soo maray, isagoo ka digay in si ciyaar ciyaar ah loo dhibaayo nabada la hantay, waxaana uu u mahadceliyay Ciidamada AMISOM dadaalka iyo sida ay dhididkooda ugu hureen in la helo nabada sida uu hadalka u dhigay.

Shariif ayaa sheegay in muhiim tahay maadaama la joogo 20-ka Agosto oo ah xilliga uu ku eg yahay waqtiga KMG, in si xoogan uga wada hadleen qorshaha socda iyo cid kasta oo carqaladeysa dadaalada nabadeed inaan loo ogolaan doonin.

Waxaa uu sheegay in doorka Odayaasha dhaqanka uu yahay sidii ay horay u sii wadi lahaayeen howsha soo xulida, isla markaana la tixgeliyo.

“Heshiisyadii la soo gaaray sida ay ahaayeen waa in loo fuliyo, odayaasha dhaqanka in lagu ixtiraamo soo xulidda Xildhibaannada, gudiga farsamadana in iyana lagu ixtiraamo shaqadooda lana hubiyo in aysan ka gudbin xuduudii loo dhigay si aynu u dhameyno kala guurka, wixii khilaafaad ah ee jirana nabad lagu xaliyo”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“Dadka Soomaaliyeed ee I dhageysanaya waxaan rabaa inaan ka codsado in nabadda lagu dadaalo,waayo 20sano kabadan ayaan colaad kusoo jirnay, ma rabno inaan dib ugu laabano wadadii hore ee adkeyd,ma rabno cadowgii aan ka adkaanay inaan fursad siino iyo cid kasta oo nabadda cadow ku ah, inaanan qofna si gaar ah loo bartilmaameedsan ayadoo qof walba xuquuqda uu leeyahay ee siyaasiga ah loo damaanad qaadayo”ayuu hadalkiisa ku sii daray

Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiira geliyo nabada, isla markaana qof walba ka qeyb qaato, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada Soomaalida inay ixtiraamaan ammaanka shacabka

“Sidii amniga loo sugi lahaa waa mas’uuliyad ina saaran dhamaanteen inaan amniga ka wada shaqeyno sida aad wada ogtihiina waxaan ku jirnaa dhamaadka Xilliga KMG waxaan dadka Soomaaliyeed oo dhan ka codsanayaa inay is dejiyaan, qorshahan lagu dhameynaya waqtiga KMG, cid hor istaagi kartaa ma jirto, dadku waxa ay doonayaan iney helaan baanu dhiirigelineynaa waxaanna rabnaa in cid walbaa ay metesho dadkii iyagu ay keensadeen”ayuu yiri Jeneraalka ugu sareeya Ciidamada AMISOM.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay tixgelinayaan in wax kasta oo ay dadka doonayaan, isla markaana Odayaasha dhaqanka ay keenaan Xildhibaan, isla markaana loo tixgeliyo sida dhabta ah, waxaana uu xusay inay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed.

 

Realtaleex News Desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>