Qaraxyo iyo dilal xalay mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho.

Filed under: Wararka |

Muqdisho:-(RT)Qaraxyo iyo dilal ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo habeenkii labaad laga maqlayo caasimada dhawaqa qaraxyada bambaanada oo geysta qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Koooxo Hubeysan ayaa xalay labo ruux ku dilay xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid, iyadoo labada ruux la kala waqtiyadii salaadii maqrib laga soo baxay.

Labada ruux ee la dilay oo aan magacooda helin ayaa naloo xaqiijiyay inay ahaayeen dad aad looga yaqaanay xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale qaraxyo ayaa xalay lala eegtay Ciidamada AMISOM iyo ciidamo ka tirsan dowladda, waxaa mid ka mid ah qaraxa uu ahaa miino nuuca meelaha fog laga hago oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay nawaaxiga Ex Koontarool Balcad.

Mid ka mid ah Kolonyada Ciidamada AMISOM ayaa waxaa gaaray waxyeelo, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray.

Qarax bambaano ayaa xalay fiidkii lagu weeraray Hotelka Madiina ee degmada Xamar Jajab, halkaasoo banaankiisa ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa afar askari.

Muddo saddex cisho ayaa ka harsan doorashada Madaxweynaha, iyadoo habeenadan ay ku soo bateen magaalada qaraxyo iyo dilal.

 

Realtaleex News Desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>