Faallo: Faroole Muxuu Afka Labadii U Kala Qaaday?

Filed under: Maqaallo |

USA:-(RT)Isbadal taariikhi ah oo Soomaaliya ka socda darteed ayaa Faroole hadal badshay, Warsaxaafadeed handadaad iyo amar siin Dowladda dhexe ayuu waayahann wuxuu ugu waashay si aan caadi aheyn.

Baarlamaanka cusub, habka Dimoqraadiyada iyo nidaamka doorashada Madaxweynaha ayuu wuxuu ka soo saaray amar ah, hadaan teyda la ii yeelin waa tashan doonaa.

Waa carqaladeyn iyo qas wadid balwad u noqotay hab dhaqanka guracan ee uu kaga hortegaayo nidaamka looga gudbayo marxalada kala guurka ee hada gabagabadiisu taagan tahay, waxaana loo aqrisan karaa bilaash xeytinimadiisa ismuujin lagu yaqyaqsado.

Deegaanka ee hab beeleedka ku matalo ayaa qeyb ka ah ifafaalayaasha sida qaldan uga dhashay natiijooyinka burburka iyo colaadaha wadanka soo maray.

Waa maamul qabiileed kala qeybinaaya xuduudaha maamul ee Jamhuuriyadda oo uu soo dhisay Meles Zenaawihii dhintay, Madaxnimadiisana waxay ku saleysan tahay in lagu fuliyo danaha guracan ee Xabashada ka leedahay Soomaaliya oo ah in laga dhiso nidaam ku dhisan fowdo kana fog nuxurka dowladnimada.

Faroole wadanka sooma geliyo wax dakhli ah, wixii yaraa ee kheyraadka sida dakhliga adeegyada dekadda Boosaaso lama oga meel ay ku baxaan ilaa iyo 14-kii sano ee u danbeeyay, dowladda dhexe ee Soomaaliya kama soo geli jirin wax faa’iido ah khasaaro iyo caga jugleyn mooyee.

Dekaddaas waxaa lagu dhisay kheyraadka iyo canshuuraha Bartamaha iyo Koonfurta kasoo xarooda iyo kaalmadii mashaariicdii FAI ee Dowladdii Talyaaniga, taasoo si khaldan looga hirgeliyay Gobolka Bari, iyadoo qorshuhu ahaa in lagu hormariyo mashruucii Markableey iyo biyo xereenkii Baardheere.

Dhanka kale deegaanada horjoogaha uu ka yahay Faroole ayaa ah xarunta ugu weyn ee Burcad badeeda, Tahriibka, Xasuuqa tahriibayaasha, afduubida ajaaniibta iyo marinada hubka, daroogada iyo badeecadaha kotorobaanka ah.

Wuxuu wadanka saldhig ka siiyay shirkaddo dambiilayaal ah ee ku takhasuusay xaalufinta iyo sumeynta badaha iyo guud ahaan deegaanka, calooshood u shaqeystayaal dambiilayaal ah ee sida kuwa Al-Qaacida oo kale dunida looga baadi goobayo iyo hub fara badan oo sharci daro ah.

Ujeedooyinkiisa ayaa lagu tilmaamaa in loogu talagalay shirqool ka dhan ah danaha Midnimada iyo amaanka Qaranka, hadii uusan ka dhex arkin asaga iyo kooxdiisa maamul beeleedka ah rabitaankooda awoodeed.

Federaalka aan weli xiligeeda la gaarin ayuu ku mintidayaa in la dhaqan geliyo ka hor afti Qaran. Meles Zenewi wuxuu deegaanadaas ka sameeyay 14 sano ka hor maamul qabiileed ka madax bannaan awoodaha Dowladda marka nabad la gaaro, hadafkaas ayuu wakiil ugu yahay in laga dhaqan geliyo istiraatiiji ahaan Soomaaliya.

Waxaa la isweydiiyaa ama ay dadka ku sheekeystaan “Faroole halkee laga xukumaa, ma Addis Ababa mise Muqdishoow”. waxaa lagu yaqaan marka Addis Ababa looga yeero inuu si daacadnimo ah ugu hoggaansamo amarka loogu yeero, hase ahaatee marka Xamar looga baahdo uusan tegin isagoo weliba aflagaado iyo hadalo qalafsan ugu jawaabayo sababaha loogu yeerayo.

Wuxuu ka tagsan yahay Qaranimada iyadoo uu u arko Dowladda Dhexe ee Soomaaliya hab beeleed la mid ah sida tiisa oo kale ama uu iskala weyn yahay. Hase ahaatee waxaa ku dhib qabo ummada uu horjoogaha u yahay, kuna hadla magacooda iyaga oo aan rraali ka aheyn.

Faalooyinkii hore waxaa ku sheegnay in horay loo arkay xiliyo kala duwan tusaale ahaan soo dhowaanshihii waqtigii Gobanimada in Siyaasiyiin isaga waxba doorin sidiisa oo kale u dhaqmi jireen 1956-kii markii dano qabiil darteed loo leexiyay hadafkii SYL iyo abuuritaankii Xisbigii Great Somali League oo iyaduna aheyd sanadkii 1959-kii kuwaasoo ujeedadoodu aheyd hadii aan laga dhex arkin danaha wakiilka looga yahay dalalka isticmaarka aan Soomaaliya istaahilin iney xorriyad qaadato., tiiyoo kale markey Soomaliya ay cagaheeda isku taagi rabto ayuu Faroole Af-labadiisa u kala baxaa.

Ummada Soomaaliyeed, Baarlamaankoodaba iyo habka doorashada Madaxweynenimada ayaa noqon doonto in ay u dhamaato sidii loogu talagalay oo waafaqsan danaha Qaranka iyadoo loo hoggaansan yahay Sharciga iyo Mas’uuliyadda Dowladdeed.

Qormada Warfaafiye.com

Email: Warfaafiye@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>