5kamid ah 6dii Saxiixayaasha oo30maalmood gudohood xilalkii ay hayeen kuwaayay!

Filed under: Maqaallo,Wararka |

Muqdisho:-(RT)Dalka Soomaaliya waxaa u baryay waa Cusub waxa ayna gashay waji cusub waxaana Hogaanka Dalka qabtay Hogaan Cusub oo Aqoonyahano ah Dalka iyo dalkana wax badan u tari kara Mustaqbalka.

Waxaa Meesha ka baxay gabi ahaan Ragii Hogaanka u hayay Dowladii wakhtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya ay kamid ahaayeen Sheekh shariif Sheekh Axmed ,Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo dhamaantood kagalay taariikhda iyo siyaasadaba baal madow kuwaa oo ahaa dhamaanaHogamaiyaashii Dowladii dhamaatay.

Ugu horeyn 3da Nin ee igu sareeyay DKMG ee Soomaaliya ayaa raja wacan ka qabay inay ku soo laabtaan hogaanka Dalka iyagoo waliba kala hororsanayay sidii mid waliba u noqonlahaa madaxweyne,hadba 28bishii ina dhaaftay ayaa waxaa si wada jor ah daaqadda looga saaray Shariif xassan oo ay isugu tageen saaxiibadiisii kale waliba C/wali ay isku danbeeyeen ,Shariif xassan ayaa Diyaarad ka fuulay Muqdisho isagoo dibinta qaniinsan  kunasii jeeda Nairobi “Xilla igaga horee Geerina iguxig” inyar uun kadib ayaa hadana mid waliba labadii soo dhadhay xusul duub ugaay sida uu uga heli lahaa gar gaar siyaasdeed ninkii ay iyagu daaqadda ka saareen Mr.Gaas ayaa Geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sida uu shariif Xassan ula noqonlahaa bahwadaag siyaasadeed si uu u galashaqeeyo ololihiisa doorashada madaxweynaha oo dhacaysay Sep.10 taasoo Gaas sida la sheegay xataa gayaysiisay inuu qayba kamid ah dhulweynaha Soomaaliya u balan qaado qaar kamid ah dawladaha deriska inay yeeshaan iyaguna taa bedelkeeda ay kala shaqeeyaan sidii uu ugu soo bixi lahaa madaxtinimada Soomaaliya,kacdoon dadweyne oo ku dhacay Gaas markii ay saxaafadu soo bandhigeen inuu iibinayo dabweynta Soomaaliya ayaa gaas si wacan u nabray taageeradiisii siyaasadeed iyo gebi ahaanba awoodii xad dhaafka ayhd ee uu isbidayay,intaasi kadib ayaa waxaa isna isa soo qaad qaatay  Shariif  Axmed oo isu haystay inuu yahay siyaasiga ugu awooda badan Soomaaliya xilligan maadaama uu ahaa Nin reer Muqdisho(Local man)ah lacag farabadan oo uu ku galo doorashadana haysta ayna garab taagnaayeen qaar kamid ah wadamada Africa wuxuu u xusul duubay sidii uu taageero uga heli lahaa ninkii uu Asbuuc ka hor daaqadda ka saaray oo loo yaqaano Rala Odingaha Somaliya(Shariif Xassan)waxa uuna rajo Weyn ka qabay in uu Hogaanka Dalka aan bulunbul kaga oodnayn kadib kulankii laba Shariif ee ka dhacay Hotel City Palaza maalintii Sep.9keedii sidoo kale subax nimadii shalay(Sep.10)ayuu Shariif Axmed ooda ka soo qaaday koox 20 ah u badnayn qab-qablayaashii lagaalka oo beryahanba  la isku haystay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub iyo in kale labadaasi dhacdo ee isu raacay ayuu ku fishay inaan cid la tartami karaysaa jirin .

Intaasi kadib ayaa waxaa dhcay waxaa la soo galay Hoolka ay ka dhacaysay doorashada madaxweyna nimada Soomaaliya halka loo yaqaano Schoolo Bolizio oo ay ku tartamayeen 22 musharax oo ay kamid yihiin Shariif Axmed iyo C/wali Gaas oo labaduba ahaa ragii lagu eedeeyay inay cuneen xaqii umadda Soomaaliyeed walina u isticmaalayaan inay ku soo baxaan iyo musharixiin kale,waxaa hoos ka shaqaynaysay awood qarsoonayd oo aanay dadbadani dareen sanayn,furitaankii shirka golaha ayay ku dhawaaqeen gudigii doorashadu dhowr arimood oo cusub

  •  Inaan buuq iyo qaylo looga baahnayn madasha cidii samaysana debeda loo saarayo
  • Inaan nina odhankarin hadii uu tanaasulayo behel ayaan ugu shubay
  • In nin waliba uu aamino natiijada doorashada IWM

Shariif axmed oo isu haytay awooda xamar(Power House)iyo saaxiibkiisii hore ayaa labadooduba ololaha doorashada u isticmaalay lacago fara badan oo la sheegay inay ahayd tii qaranka waxayna labadan masuul aamin sanaayeen inay balamo iyo lacago ku soo baxayaan iyagoo hilmaasanaa Umaddi dhamayd ee Soomaaliyeed iyo dulmiyadii isdaba jooga ahaa ee ay u geesteen.

Wareegii hore ee cod bixinta ayaa waxaahogaaka ku qabtay tiro aad uga yar tii la filayay Shariif Axmed halka C/wali galay kaalinta 3aad dad badan oo saadaalinaayay doorashadan ayay ku noqotay argagax qaabka ay wareega 1aad u kala heleen musharixiintii tar tamaysay oo ahaa  sidan

1 Shariif Shiikh Axmed 64 cod
2 Xasan Shiikh Maxamuud 60 cod
3 C/weli Maxamed Cali 30 cod
4 C/qaadir Cosoble Cali 27 cod
5 C/llaahi Axmed Caddow 24 cod
6 C/raxmaan Baadiyow 21 cod
7 Maxamed C/llaahi Farmaajo 14 cod
8 Axmed Ismaaciil Samatar    8 cod
9 Yuusuf Garaad Cumar   9 cod
10 C/weli Cilmi Goonjeex   3 cod
11 Maxamed C/weli Shiikh Yuusuf   3 cod
12 Cumar Salaad Cilmi   2 cod
13 Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil   2 cod
14 Maxamed C/llaahi Oomaar   1 cod
15 Cusmaan Maxamed Gacal   1 cod
16 Saciid Ciise Maxamuud   1 cod
17 Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi   1 cod
18 Maxamed Axmed Saalax   0
19 Salaad Cali Jeelle   0
20 Maslax Maxamed Siyaad   0
21 Ibraahim Cali Xasan   0
22 C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi   0

Ugu danbayntii ayaa markii loo gudbilahaa wareega labaad waxaa is casilay musharixii 3aa iyo kii 4aad oo uu kamid yahay C/wali Gaas oo helay 30Cod halka saadaashu ay ahayd inuu ugu yaraan  helo 70 wareega 1aad,Mr.Gaas ayaa deg,deg isu casilay isagoo wajigiisa ay ka muuqato niyad jab weyn iyo Moral xumo ayuu ku yidhi  xildhibaanadii”waad mahadsantihiin waxaan soo qabanayna waad aragtaan14kii bilood ee la soo dhaafay waana tanaasulay idinkana waxaan idiin sheegayaa inaad is bedelka la jaanqaadaan”ayuu yiri Gaas oo jecel inuu sii galaafto Saaxiibkiis,maah maah Soomaaliyeed ayaa tiraahda “Labada xaqdarada ku heshiisaa Xaqa ayay ku colowdaa” intaas kadib aya waxaa uu gudoonku ku dhawaaqay maadaama ay laba musharax oo keliya hadheen in wareegii 3aad la aadayo doorashada taasoo badiba dadka la socday siyaasada Soomaaliya ay arkayeen Ninka wareegii 1aad helay 60ka Cod(Xassan Shiikh) inaan la dhayalsan karin walo hadana wali ay qaar raja wacan ka qabeen wadaadka isasiiyay Villa Soomaaliya ee lacagta badan isticmaalayay,inyar kadib codbixintii ayaa la bilaabay in la tiriyo Codadkii xildhibaanadu bixiyeen oo labada Musharax magocooda lagu dhawaaqayay hadba kii warqadiisa lasoosaaro ayaa Gudoomiyihii gudiga doorashada oo yahay warbaahiyaha lagu sheegayay magacyada ayaa sidii baabuur honkii ku dhegay ku waashay “Xassan Shiikh maxamuud” dadbadan ayaa isla markiiba ku qancay sida wax u socdaan dareemayn is bedelka deg dega ah, balse taa bedelkeeda qaar kale oo uu ugu horeeyay madaxweynihii hore Shariif Axmed ayaa indhuhu soo baxeen oo kujiray ilaahow riya ka dhig,waxaa sidoo kale lagga dhex arkayay xildhibaanada Shariif Xassan oo dhoola cadaynaya kuna faraxsan guul darada saaxiibkii sida roobka ugu dhacaysa,markii uu dhamaaday tirintii codku ayaa lagu dhawaaqay wax la filayay daqiiqadihii ugu danbeeyay oo ahaa

Xasan Shiikh Maxamuud                                               Shariif Shiikh Axmed
190 cod                                                                                         79 cod
.

madaxweynihii hore Shariif Axmed ayaa intaasi kadib si aan laga filaynin yeelay oo ay ka muuqato Dimuqraadiyad wuxuuna gacan qaaday madaxweynaha Cusub ee hilaha u qaaday rajiimkii Ala Sheekh+Shariif Xassan+reer Punland,intaasi kadib ayuu Shariif Shiikh axmed halkaasi wuxuu ka jeediyay Khudbad aaad u qaali ah runtiina dad badan soo jiidatay uuna ugu hambalyeeyay madaxweynaha Cusub iyo guud ahaanba ka soo qaybgalayaashi.

 

Isku soo wada duuboLixdii saxiixayaasha ahaa ayaa 5kamid ahi 6dii Saxiixayaasha oo30maalmood gudohood xilalkii ay hayeen kuwaayay  rajiimkaasi xooga badnaa ee laba Shariif,Gaas,Faroole&Caalin kamid ahaayeen ayaa waxaa ka sii qoyan Faroole oo deg deg ugu hambalyeeyay madaxweynaha Cusub walow ku xeeldheerayaasha siyaasadu ay tibaaxeen inay hambalyadaasi ahayd Samir taagwaa,kooxdan ayaa  shacabka soomaalidu aad u karahsadeen waxaana qoraa Soomaaliyeed hada kahor ku cabiray  6Saxiixe iyo 6Shabaab kee Soomaali u roon Halkan Ka Daalaco Qoraalkaas./ ,wadankii Soomaaliya ee bad iyo beriba saylada yaalay ayaa waxaa u baryay waa cusub dadweynihii Soomaaliyeed ayaa dabaal degyo is dhaafsaday daafaha caalamka ,wadamada caalam gaar ahaan kuwa soomaaliya daneeya ayaa wada hambalyeeyay wixii meesha ka dhacay,Madaxweyne Xassan&Gudoomiye jawaari ayaa dadku raja aad u weyn ka qabaan inay waxbadan ka bedeli doonaan,maanta iyo wixii ka bilawdana  cidda  aynu sugnaana waa madaxweyne xassan shiikh Maxamuud oo ah nin aqoonyyahan ah iyo raisul-wasaaraha laga sugayo inuu ku magacaabo muddo 30maalmood gudohood ah si uu u soo dhiso xukuumad dalka ka saarta eedaadka Caalakana la xisaabtanta.

maanta&Soomaaliya .

 

Realtaleex News Desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>