Muqdisho:-(RT)Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday Maalinta la qaban doono Xil wareejinta iyo Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya kadib shir jaraa’id uu Maanta ku qabtay Muqdisho.
Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu sheegay in Labada Madaxweyne ee Go’aansadeen in Maalinta Axada ah oo ku began 16-ka Bishaan la qabto Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub iyo Xil wareejinta .
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo Shacabka Soomaaliyeed ugu mahad celiyay sida ay u dhowreen Nabad iyo daganaanshaha intii ay Magaalada ka socdeen Doorashooyinka iyo ka gudbida Xiliga KMG .
Si kasataba ha ahaatee Soomaaliya ayaa hada ka gudubtay waxii loogu yeeri jiray KMG waxaana hada loo gudbay Dowlada Rasmi ah oo wax badan la qeyb san doonto Dowladaha Dunida walow aan wali lasoo dhamaystirin oo ay dhimanyihiin Raisul-waraahihii dawlada oo soo dhisi doona xukuumada cusub.
Realtaleex News Desk.