Gebilay:-(RT)Waxaa saaka mudahraado iyo banaan baxyo gilgilay ku waabariisatay magaalada Gebilay ee gobolka Woqooyi-galbeed Soomaaliya,banaanbaxakani oo u muuqday mid la ga soo shaqeeyay ayaa waxaa ka qaybqaatay noocyyada bulshada ee kala duwan sida Raga,Dumarka iyo Caruurta siiba Ardayda ayaa aad looga dhex arkayay.
Banaanbaxan oo lagu soo dhoweynayay madaxweynaha cusub ee Somaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa banaan baxayaasu waxa ay lulayeen calanka Buluuga ah ee Somaliya iyo sawirka madaxweynaha Somaliya oo aan horey loogaga baran in lagula soo baxo meelaha uu ta arimiyo maamulka Siilaanyo.
hadaba banaan baxayaasha ayaa ku dhwaaqayay halku dhigyo muujinaya midnimada Somaliya oo ay ka midtahay “Somaliya ha noolaato”iyo kuwa kale Bilayska magaalada ayaa damcay inay joojiyaan balse way u caaliwaayeen mawjadihii dadka ahaa ee isugu soo baxay fagaarayaashaasi kadibna faraha ayay ka qaadeen.
Ugu danbayntii ayaa waxa ay wararku sheegayaan banaan baxa ka dhacay Gebilay ayaa waxa uu qas iyo jaah wareer badan ku riday aqalka Moorgan ee looga arimiyo maamulka Hargeysa,waxaan la ogayn talaabada uu Siilaanyo ka qaadidoono banaan baxan Gebilay maanta ka dhacay iyo kii doraad hadheeyay Boorama.
Realtaleex News Desk.