Faroole oo qaar kamid ah Wasiiradiisa xilkii ka xayuubiyay qaar kalena isku bedelay.
Garoowe:-(RT)Madaxweynaha Maamulka EX-Puntland C/raxmaan Faroole ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada sidoo kale isku shaandheyn ku sameeyay Wasiiro kale oo Badan.
Xubnahan xilka uu Faroole ka qaaday ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa aanay isku dhaween Faroole sidaa darteedna Cadho uu ka qaaday arimaha Soomaaliya uu xilkii uga qaaday kuwa kalana ugu Magacaabay.
Caasha Gheele Diiriye oo muddo 7 sano ah ahayd wasiirka wasaaradda hormarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa markii u horeysey banaanka ka ah Golaha xukuumadda Puntland tan iyo sanadkii 2005 bishii Janaayo markaas oo Gen.Cadde magacaabey Wasaaradda ay madaxda ka ahayd. Waxaa Wasaaradda Haweenka loo magacaabey: Xaliima Xassan Xaaji Cismaan.
Sidoo kale waxay saameyn ku yeelatey Wasaaradda Warefaafinta oo Wasiirkii dhawaan la magacaabey Axmed Cali Asker ahaana khabiir dhanka saxaafadda ah muddona ka soo shaqeeyey Wasaaraddii Warfaafinta ee Dawladdii hore ayaa isagana lagu bedeley. Eng. Maxamuud Caydiid Ibraahim.
Golaha wasiiradda maamulka Faroole ayaa ah kuwo caalamka ugu badan, waxaana la aaminsan yahay in ay gaarayaan 60 wasiir taas oo ah mid laba jiraar ka badan Maamulada kale sida Dawladda Federaalka .
- Cali Axmed Gamuute:Wasiirka Wasaarada Gaancsiga iyo Warshadaha.
- Egn Maxamed Ceydiid Ibraahim:Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka.
- Xaliimo Xasan Xaaji:Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska.
- Xasan Yaasiin Maxamed:Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada
- Maxamed Maxamuud Cali Bile |:Wasiirudowlaha Amniga Madaxtooyada.
- Sayid Maxamed Cabdulle:Wasiirudowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Arimaha Federalka.
- Saleebaan Maxamuud Siciid:Wasiirudowlaha Wasaarada Deegaanka , Dalxiiska iyo Duurjoogta
- C/qani Salaad Yuusuf:Wasiirudowlaha Wasaarada Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda.
- C/laahi Jaamac Cali:Wasiirudowlaha Wasaarada Amniga iyo DDR
- Maxamuud Maxamed idiris:Wasiirudowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.
- C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan:Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada.
- Axmed ibraahim C/raxmaan:Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta, xiriirka caalamiga ah iyo arimaha Federaalka.
- Jaamac Yuusuf Jaamac iyo maxamed C/laahi Bootaan:Wasiir ku xigeenada Wasaarada Waxbarashada.
- Bashiir Jaamac Maxamuud iyo C/qani Geele Maxamed:Wasiir ku xigeenada Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada.
- C/sharkuur Mire Aadan:Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka badda
- Abshir Siciid Saalax:Wasiir ku xigeenka Wasaarada Howlaha guud iyo gaadiidka
- Maxamuud Maxamed Sheeq Ibraahim:Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha GUdaha iyo dowladaha hoose.
- C/raxmaan Cabdi Ismaaciil:Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka.
- Yuusuf Cali Siciid:Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Ciyaaraha.
- C/raxmaan Diiriye Carab iyo Cabdi Jaamac Geesood:Wasiir ku xigeenada wasaarada beeraha iyo Waraabka
- Caasho Maxamuud Axmed:Wasiir ku xigeenka Wasaarada haweenka iyo Arimaah Qoyska.
Wasiirada, Wasiir dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada Xilka laga xayuubiyay.
- Axmed Cali Askar!
- Xasan Faarax Jaamac!
- Caasha Geele Diiriye
- Cali saalax Aadan
- Cabdi Yaasiin maxamed
- Maxamuud Faarax Maxamuud
- Faarax Siciid Cilmi.
Realtaleex News Desk.

