Agaasimihii Madaxtooyada Somaliya oo noqonaya qofkii ugu horeeyay ee xilkiisa waaya.

Filed under: Wararka |

Muqdisho:-(RT)Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa bilaabaya tijaabadiisa u horeysay ee uu is bedel ku sameynayo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, labo maalmood kadib markii si rasmi ah uu xilka kula wareegay, iyadoo saacadihii u dambeeyay ay soo shaac baxeen warar sheegaya magacaabista Agaasime cusub oo ay yeelato Madaxtooyada.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com Agaasimaha cusub ayaa la filayaa in loo magacaabo nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Kamal Gutaale oo ka tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaarihi hore C/wali Gaas.

Arrintan ayay durbaba noqoday hadal heyn dhex hareysay Madaxtooyada, iyadoo asxaabta ninka loo wado xilka Agaasimaha cusub ee Madaxtootada Mr Kamal Gutaale ay bilaabeen inay isugu hambalyeeyaan Barta Facebook ah.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub labada maalmood ee ugu soo horeysay uu is bedel ku sameyn doono Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Agaasimaha Madaxtooyada ee xilligan Maxamed Macalin oo horay u ahaa Wasiirkii Kaluumeysiga ee Xukuumadii Farmaajo, ayaa la filayaa in xilkiisa wareejiyo dhowaan.

Is bedelada ayaa waxay saameyn ku yeelan doonaan ninka Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed xaga Paratocol-ka ugu qaabilsanaa oo lagu magacaabo Mursal Saneey.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la lahaa Madaxtooyada, isagoo shaqaalaha u sheegay inay dhici karto in shaqaalaha la kala bedelo, balse aanay jirin in cid la ceyriyo.

Xarunta Madaxtooyada ayaa horay waxaa u soo maray Agaasimayaal dhowr ah, iyadoo intii uu hayay xilka hayay Madaxweynihii hore ay isku kala bedeleen ilaa shan agaasime.

 

Realtaleex News Desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>